4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 8 , 2017
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qorshaha lagu dhimayo tirada ciidamada midowga Africa AMISOM

 

Arbaco, November, 08, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo la hadlay BBC ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qorshaha dowladda ee la xiriira sugida amniga dalka, madaama uu socdo qorshe lagu dhimayo tirada ciidamada AMISOM.

"Soomaaliya waxay isku duba riday hab nabadgelyo oo wanaagsan, waxaanan aaminsanahay in ciidammadeena ay heleen tababar ku filan, xiligan waa markii loo baahnaa in aan anaga dhabarka u ridano mas'uuliyadda amniga", ayuu yiri Yariisoow.

AMISOM ayaa Talaadadii sheegtay in kun Askari hoos loo dhimayo tirada ciidamada AMISOM, iyada oo ay dalka ka bixi doonaan marka la gaaro 31-ka bisha December ee sanadkan.

Wasiir Yariisow, ayaa sheegay in la jooggo xilligii ay Soomaaliya la wareegi laheyd masuuliyadda amniga dalka, maadaama sida uu sheegay la diyaariyay ciidan hanan kara ammaanka dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale ku jirta diyaargaroow la xiriira dagaal ka dhan ah Al-shabaab, kaddib Qaraxii Boqolaalka ruux lagu dilay ee ka dhacay Isgoyska Zoobe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]