4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 8 , 2017
Cabdi Warsame iyo Musharaxiin kale oo Soomaali ah oo xalay kuraas ku guulaystay (Sawiro & Video)

Arbaco, November, 08, 2017 (HOL) – Natiijada doorashadii gobalka Minneasota oo shalay loo dareeray ayaa waxaa ka qaybgalay Sagaal musharax oo Soomaali ah, waxaana guulaystay sadax ka mida Tartamayaashaa Soomaaliyeed.

Musharaxiinta guuleysatay ayaa kala ah, Cabdi Warsame oo xajistay kursigii golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis oo uu hore ugu fadhiyay, Fartuun Axmed oo ku guuleysatay inay ka mid noqoto Guddiga Waxbarashada ee magaalada Hopkins oo ku taala duleedka magaalada Minneapolis, iyo Cabdulqaadir Xasan AK oo ku guuleystay inuu ka mid noqdo guddiga maamula garoomada lagu ciyaaro iyo goobaha nasashada ee magaalada Minneapolis.

Mursharaxa Cabdi Warsame ayaa ka guuleystay Maxamuud Nuur oo ay xisbiga dimuquraadiga ka wada tirsanaayeen iyo Faadumo Yusuf oo matalaeysay xisbiga Jamhuuriga. Cabdi Warsame ayaa helay 3603 cod halka Maxamuud Nuur codadka uu helay ay noqdeen 3370 cod.


Doorashada Cabdi Warsame iyo Maxmaud Nuur ayaa aheed mid aad loo hadal hayey,Maxamud ayaa loolankiisa aad u adkeeyay bilahii danbe iyagoo warbaahinta isku adeegsan jiray hadalo aad u  adag, dhanka Maxamud oo ay taageerayaan Xildhibaano aqalka Gobolka looga taliyo ay Cabdi ku eedeeyeen inuu ka soo horjeedo guursiga dadka isku jinsiga ah,inuu sharciyo badan ugu hiiliyey dadkiisa.

Maxamud Nuur ayaa waxaa ka biyo diiday guusha Abdi waxaana  qoraal uu u gudbiyay taageerayaashiisa uu ku sheegay inaan laga guuleysan, isla markaana ay u dagaalami doonaan sidii lagu hubin lahaa in cod kasta la tiriyey uu sax ahaa. noor ayaa qoraal ku sheegay sidaa.

Soomaalida guulaha gaaray waxaa ka mid ahaa Cabdulqaadir Xasan AK oo ah wiil dhalinyaro ah  oo muddo ka shaqeynayay arrimaha siyaadda ee gobalka Minnesota, Cabdulqaadir ayaa ka guuleystay Cabdi Gurxan  oo ay u wada tartameen Xubin ka tirsan guddiga maamula garoomada iyo goobaha lagu nasto ee magaalada Minneapolis.

Fartuun Axmed ayaa ka mid aheyd Soomaalidii xalay guulaha gaartay kana mid noqotay guddiga Waxbarashada ee magaalada Hopkins .

Waxaa Iyaguna gobolka Washington ka sharaxnaa sadax Soomaali American ah waxaana guushu raacday mid qura ,waxayna xalay magaaladda Tukwila heleen xubin golaha deegaanka  Zak Idan wiilka lagu magacabo oo noqonaya Soomaaligii ugu horeeyay ee xilka qabta magaaladaas.

siyad said salah

Hiiraan Online

MPLS,MN