3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 8 , 2017
Dowladda Soomaaliya oo $ 1 million oo dollar ugu deeqday dadkii ay wax yeelada ka soo gaartay Qaraxii Zoobe

 

Arbaco, November, 08, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xalay ka sheegay munaasabad lagu qabtay xarunta dowladda hoose in lacag dhan $ 1 million oo dollar dowladda Soomaaliya ugu deeqday dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay Qaraxii 14kii October ee sanadkan ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah [Berri] si toos ah lacagta ay balanqaaday dowladda loogu soo shubi doono Akoonka guddiga Gurmadka Qaranka.

Sidoo kale waxaa lacago ku deeqay qaar ka mid ah maamul gobolleedyada oo dhaqaale ay iska oo ururiyeen sheegay in ay ku wareejinayaan guddiga howlan u gurmashada dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii Zoobe.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in Qaraxii Zoobe ay ka danbeeyeen sida uu hadalka u dhigay dad bulshada Soomaaliyeed ka tirsan oo raba ayuu yiri in shacabka la baabi’iyo, sidaa daraadeed waxaa ugu baaqay dowladda iyo shacabka intaba in loo istaago sidii arintaan looga hortagi lahaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/8/2017 9:34 AM EST
Arbaco, November, 08, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo la hadlay BBC ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qorshaha dowladda ee la xiriira sugida amniga dalka, madaama uu socdo qorshe lagu dhimayo tirada ciidamada AMISOM.

11/8/2017 8:11 AM EST
Arbaco, November, 08, 2017 (HOL) - Khubaro arrimaha hubinta dukumentiyada u qaabilsan dalka Norwey ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay u arkaan habka qaadashada Baasaboorka Soomaaliya.

11/8/2017 4:50 AM EST
Arbaco, November, 08, 2017 (HOL) –Hay'adda Rapewatach International oo fadhigeedu yahay Somalia , isla markaana u dood-da xuquuqda haweenka iyo caruurta loo gaysto tacdiyada ka dhanka ah jinsiga ayaa dowladda Puntland ka dalbatay in cadaalad-da la marsiiyo askari bishii hore gabar dhalinyaro ah ku kufsaday magaalada Bosaso.

11/8/2017 4:45 AM EST
Natiijada doorashadii gobalka Minneasota oo shalay loo dareeray ayaa waxaa ka qaybgalay Sagaal musharax oo Soomaali ah, waxaana guulaystay sadax ka mida Tartamayaashaa Soomaaliyeed.

11/8/2017 12:55 AM EST
Arbaco, November, 08, 2017 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku wargaliyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed dagaal ka dhan ah Al-shabaab, kaddib booqasho maalintii shalay uu ku tagay xarunta wasaaradda difaaca.

11/8/2017 12:36 AM EST
Arbaco, November, 08, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa ugu baaqay hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi in uu ka laabto hammigiisa ah inuu sameysto gantaalada iyo hubka niyuukleerka.

11/8/2017 12:31 AM EST
Arbaco, November, 08, 2017 (HOL) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin kooban oo ku aadan horumarka warbaahinta dalka u gudbiyey hay’addaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan saraakiishooda warfaafinta u qaabilsan.

11/8/2017 12:21 AM EST
Arbaco, November, 08, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa aya ku amray ganacsatada ku dhaqan magaalada Beledweyne in ay qaataan lacagta shilling Soomaaliga.

11/8/2017 12:13 AM EST
Arbaco, November, 08, 2017 (HOL) –Wararka ka imanaya degmda Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda toogasho ku dilay qof shacab ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka.