4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 8 , 2017
Madaxweyne Farmaajo’’ Waa in aad u diyaar garoowdaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab

 

Arbaco, November, 08, 2017 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku wargaliyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed dagaal ka dhan ah Al-shabaab, kaddib booqasho maalintii shalay uu ku tagay xarunta wasaaradda difaaca.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay ciidamada xoogga dalka dhaqdhaqaayada militari oo durbaba ay ka bilaabeen qeybo ka mid ah dalka, isaga oo sheegay in guullo la taaban karo laga soo hooyay howlgaladii ugu danbeeyay ee ciidamadu ka sameeyeen deegaanno ay horay gacanta ugu hayeen Al-shabaab.

‘’Shacabku waa idin sugayaan, waa in aad u diyaar-garoowdaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab, waad ka xoog badan tihiin, waad ka qibrad iyo aqoon badan tihiin, waxaad heysataan dowlad wanaagsan oo idin bar bar taagan, shacab baraarugay ayaad heysataan, waa in aad isku diyaarisaan dagaal ka dhan ah A-shabaab ayuu yiri ‘’ madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda federaalka diyaar u tahay in ciidamada ay isku bar bar taagto baahiyaha ay qabaan oo dhan si ayuu yiri looga adkaado cadawgga umadda Soomaaliyeed oo markaa uu madaxweynuhu ula jeeday [Al-shabaab]

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa jiray dhaqdhaqaaqyo militari oo qeybo ka mid ah dalka ay ka wadeen ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM oo la wareegay deeganno ay horay gacanta ugu hayeen Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]