4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 8 , 2017
Trump oo mar kale u digay Kuuriyada Waqooyi

 

Arbaco, November, 08, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa ugu baaqay hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi in uu ka laabto hammigiisa ah in uu sameysto gantaalada iyo hubka niyuukleerka.

Trump ayaa dhanka kale ammaan u jeediyay Kuuriyada Koonfureed, waxaana uu ku bogaadiyay horumarka iyo sida ay dalkaasi uu uga duwanyahay waxa uu ugu yeeray dal xabsi ah oo uu ula jeedo Kuuriyada Waqooyi.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay in wado sax ah lagu hogaamiyo Kuuriyada Waqooyi.

Trump ayaa hogaamiyaha xukuumadda Pyonyang Kim Jong Un uga digay in hubka uu horumarinayo uu khatar u kenayo dalkiisa, waxaan uu intaa ku daray in caalamka uusan marnaba u dulqaadan doonin ficilada dowladda Kuuriyada waqooyi.

Madxaweyne Trump oo lagu wado in uu usii gudbo dalka Shiinaha ayaa baajiyay Safar uu ku tegi lahaa goob ka caagan milateriga ceriyaamo awgeed.

BBC