4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 8 , 2017
Cali Jeyte'' Ma Aqbaleyno in la diido lacagta Shilling Soomaaliga

 

Arbaco, November, 08, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa aya ku amray ganacsatada ku dhaqan magaalada Beledweyne in ay qaataan lacagta shilling Soomaaliga.

Guddoomiyaha ayaa ayaa sheegay in qaar ka mid ah deegaannada kale ee gobolka si caadi ah looga isticmaalo lacagtan Shilling Soomaaliga, sidaa daraadeed aysan jirin sabab looga diido magaalada Beledweyne.

‘’Lacag ka socta deegaannada kale ee ku hareereysan magaalada sabab looga diido Beledweyne ma garaneyno, ma aqbaleyno in dad ku nool magaaladan baahi u dhintaan iyaga oo waliba lacag heysta’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha aya sheegay in maalmihii ugu danbeeyayba kulamo la lahaayeen ganacsatada gobolka oo ay ka wada hadleen arrinta ku saabsan diidmada lacagta Shilling Soomaaliga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]