4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 8 , 2017
Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo qof shacab ah ku dilay degmada Afgooye

 

Arbaco, November, 08, 2017 (HOL) –Wararka ka imanaya degmda Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda toogasho ku dilay qof shacab ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Qofka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Nuur Cali Xusseen,waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa dadka ku dhaqan degmada Afgooye

Mid ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu si bareer ah u toogtay marxuumka oo la sheegay in gaari uu watay Dhiiqo ka dhalatay Roobka gaarsiiyay Askar ka tirsaneyd ciidamada dowladda kaddibna mid ka mid ah si ula kac ah u toogtay waa sida uu hadalka u dhigay Cali Nuur oo ka mid ah odayaasha deegaanka.

Ciidamada dowladda ayaa inta badan lagu eedeeyaa in ay si bareer ah u dilaan dadka shacabka ah, iyadoo dhowr jeer oo hore maxkamada ciidamadu toogasho ku fulisay Askari ku eedeysneyd dilka dad rayid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]