4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 7 , 2017
Wasiir Beyle oo beeniyay in la kordhiyay canshuurta dekedda Muqdisho

 

Talaado, November, 07, 2017 (HOL) –Wasiirka wasaarada maaliyada xukuumadda Soomaaliya  C/raxmaan Ducaale Bayle  oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in wasaaradda ay lacag dheeraad ah ku kordhisay canshuurta laga qaado wax-yaabaha laga soo dejiyo dekedda Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in ay been abuur tahay wararka sheegayo in lacag dheeraad ay wasaaradda dul saartay canshuurta laga qaadi jiray ganacsatada wax kala soo degta Dekedda Muqdisho xili ay cabashadaasi qabeyn Ganacastada qaar.

Warbaahinta Soomaalida qaarkood ayaa baahiyay ganacsato ka cabaneysa wax ay ku tilmaameed canshuur kordhin lagu sameeyay wax-yaabaha ay kala soo degaan Dekedda Muqdisho.

Hadalka maanta ka soo baxay wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa meesha ka saaraya walaaca ganacsatada ee ahaa in la kordhiyay canshuurta Dekedda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]