4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 7 , 2017
Tirada ciidamada AMISOM oo la dhimayo

 

Talaado, November, 07, 2017 (HOL) – Tirada ciidamada howlgallka midowga Africa AMISOM ayaa la sheegay in la dhimayo ilaa 1000 askari dhammaadka sannadkan

Franscisco Madeira madaxa hawlgalka AMISOM ayaa maanta ugu sheegay weriyayaasha magaalada Muqdisho dhimista ciidanka darted uu jiri doono dhaqdhaqaaq badan oo ciidamada AMSIOM ah waxaase uu ka digay inaysan arrintaasi noqonin mid keenta argagax.

Maderia waxaa uu mar kale ku celiyey in ka bixitanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ay u dhici doonto qaab wejiyo leh, isla markaana ay ku xirnaan doonto xaaladda ka jirta gudaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa imaneysa xili dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday howlgal ballaaran oo ka bilaabanaya guud ahaanba dalka Soomaaliya kaa oo looga saarayo Al-shabaab deegaannada ay wali ku sii harsan yihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]