4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 7 , 2017
Madaxweyne Farmaajo oo maanta booqday xarunta wasaarada Difaaca


Talaado, November, 07, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula kulmay xarunta wasaaradda gaashaandhigga wasiiru- dowlaha wasaaradda ahna ku-simaha wasiirka iyo saraakiisha ugu sarraysa ciidamada xoogga dalka.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay abaabulka ugu dambeeya ee ciidamada xooggu ay ugu diyaar garoobayan dagaalka ballaaran oo ka dhan ah Ururka Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada ee uu la kulmay madaxweynhu ayaa sheegay in ay guula ka soo hoyeen jiidda hore  oo ay la wareegeen deegaano markii hore ay gacanta ku hayeen Al-shabaab.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeediyey saraakiisha ciidamada ayaa kula dardaarmay in ay ka soo dhalaalaan rajada ay bulshada Soomaaliyeed ka qabaan ciidamada, dhinaca kalana shacabka looga baahan yahay in ay is barbar taagaan ciidamada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]