4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 7 , 2017
Madaxweyne Gaas'' Aqalka sare waa in aad muujisaan awooda aad leedihiin

 

Talaado, November, 07, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa xubnaha Aqalka sare ugu baaqay in ay muujiyaan awooda ay ku dhax leeyhiin shuruucda iyo dastuurka dalka.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in ay muhiim tahay qeexista awooda Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka.

‘’Waxaan qabaan haddii awooda uu Aqalkani leeyahay aysan ku cadeyn dastuurka, in lagu darro, waayo waxaad matashaan maamul gobolleedyada, sidaa daraadeed waa in ay caddahay awooda aad ku dhax leedihiin shuruucda dowladda,  Dastuurka hadda meelo badan ayaaba u baahan in la taataabto, laakiin waa in aad ku dadaashaan siddii aad awood ugu dhax yeelan laheydeen shuruucda dalka madaama uu Aqalkani yahay mid ku cusub Soomaaliya’’ ayuu yiri Cabdiwali Gaas.

Cabdiwali Gaas ayaa ku booriyay xildhibaannada Aqalka sare in ay si dhaw ula shaqeeyaan maamul goboleedyada dalka.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ay hortageen xubnaha Aqalka Sare islamarkaana ay u jeediyeen khudbado ay ku sharaxaayeen xaaladaha deegaanada ay maamulaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]