3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 7 , 2017
Madaxweyne Gaas'' Aqalka sare waa in aad muujisaan awooda aad leedihiin

 

Talaado, November, 07, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa xubnaha Aqalka sare ugu baaqay in ay muujiyaan awooda ay ku dhax leeyhiin shuruucda iyo dastuurka dalka.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in ay muhiim tahay qeexista awooda Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka.

‘’Waxaan qabaan haddii awooda uu Aqalkani leeyahay aysan ku cadeyn dastuurka, in lagu darro, waayo waxaad matashaan maamul gobolleedyada, sidaa daraadeed waa in ay caddahay awooda aad ku dhax leedihiin shuruucda dowladda,  Dastuurka hadda meelo badan ayaaba u baahan in la taataabto, laakiin waa in aad ku dadaashaan siddii aad awood ugu dhax yeelan laheydeen shuruucda dalka madaama uu Aqalkani yahay mid ku cusub Soomaaliya’’ ayuu yiri Cabdiwali Gaas.

Cabdiwali Gaas ayaa ku booriyay xildhibaannada Aqalka sare in ay si dhaw ula shaqeeyaan maamul goboleedyada dalka.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ay hortageen xubnaha Aqalka Sare islamarkaana ay u jeediyeen khudbado ay ku sharaxaayeen xaaladaha deegaanada ay maamulaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/7/2017 11:33 AM EST
Talaado, November, 07, 2017 (HOL) –Waxaa maanta gelinkii danbe magaalada Kismaayo soo gaaray wafdi uu horkacayay gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubaland, kuxigeennadiisa iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo baarlamanka Jubbaland.

11/7/2017 10:21 AM EST
Talaado, November, 07, 2017 (HOL) –Wasiirka wasaarada maaliyada xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in wasaaradda ay lacag dheeraad ah ku kordhisay canshuurta laga qaado wax-yaabaha laga soo dejiyo dekedda Muqdisho.

11/7/2017 9:33 AM EST
Talaado, November, 07, 2017 (HOL) – Tirada ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa la sheegay in la dhimayo ilaa 1000 askari dhammaadka sannadkan

11/7/2017 6:18 AM EST
Talaado, November, 07, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula kulmay xarunta wasaaradda gaashaandhigga wasiiru- dowlaha wasaaradda ahna ku-simaha wasiirka iyo saraakiisha ugu sarraysa ciidamada xoogga dalka.

11/7/2017 1:44 AM EST
Talaado, November 07, 2017 (HOL)- Ciidanka Amniga Somaliland ayaaa sheegay inay qabteen dad qoysas danyar ah kaadhadhkii ay ku codaynayeen ugu bedelaya raashin,isla markaana urursanaya kaadhadh aanay lahayn.

11/7/2017 1:41 AM EST
Talaado, November, 07, 2017 (HOL) - Dowladda Sacuudiga dul dhigtay madaxa hogaamiyaha Xuutiyiinta Yemen, C/Maalik Al-Xuuti iyo 40 Sarkaal oo la shaqeysa, isagoo sidoo kale dul dhigay madaxooda lacag gaareysa 30 Million oo dollar.

11/7/2017 1:11 AM EST
Talaado, November, 07, 2017 (HOL) - Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Liibiya ayaa lagu eedeeyay in ay rabshado kula keceen dadka muhaajiriin ah, kuwaasi oo shan ka mid ah ay dhinteen xilli hawlgal samatabixin ah laga waday badda Mediterranean.

11/7/2017 12:57 AM EST
Talaado, November, 07, 2017 (HOL) - Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa dalbaday in la soo afjaro rabshadaha ka taagan gobolka Rakhine ee dalka Myanmar, kuwaasi oo sababay in boqolaal kun oo qof oo ka tirsan qowmiyadda Rohingya ay guryahooda ka qaxaan.

11/7/2017 12:41 AM EST
Talaado, November, 07, 2017 (HOL) - Wasiirka wasaarada batroolka iyo macdanta xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar maalmihii ugu danbeeyay siweyn loo hadal hayay oo ahaa in wafdi uu horkacayo ra’iisal wasaare Kheyre ka qeybgalayo shir looga hadlayo arrimaha shidaalka oo ka furmaya magaalada Nairobi.

11/7/2017 12:24 AM EST
Talaado, November, 07, 2017 (HOL) - Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khader ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Sharma El-Sheekh ee dalka Masar, isaga oo halkaa uga qeybgalaya shirka dhalinyaradda Aduunka kaas oo looga hadlo xaalada dhalinta iyo sidii looga wacyi galin lahaa arrimaha Tahriibka iyo xagjirnimada oo saamayn wayn ku yeeshay dunida oo dhan.

11/7/2017 12:17 AM EST
Talaado, November, 07, 2017 (HOL) – Ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa ka bilaabay gobolka Shabeellaha hoose howlgal ka dhan ah Al-shabaab, iyadoo gobolkaas lagu tilmaamo saldhig ugu balaaran ee Al-shabaab guud ahaan marka la eego dalka Soomaaliya.