4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 7 , 2017
Ciidanka Amniga Somaliland oo qabtay dad iibsanayey Kaadhadhka codeynta

 

Talaado, November 07, 2017 (HOL)- Ciidanka Amniga Somaliland ayaaa sheegay inay qabteen dad qoysas danyar ah kaadhadhkii ay ku codaynayeen ugu bedelaya raashin,isla markaana urursanaya kaadhadh aanay lahayn.

Kaadhadhkan la urursanayey ayaa la sheegay inay ahaayeen laba iyo lixdan kaadhkii codeynta, kuwaas oo dadkii lahaa loogu bedelay raashin, waxaanay ciidanka gacanta ku soo dhigeen kaadhadhkii iyo dadkii urursanayey ee lagu qabtay.

“Ciidanka booliska somaliland waxay gacanta ku soo dhigeen sadex eedaysane oo dumar ah kuwaas oo dadka kaga urursanayey kaadhadhka codbixinta, waxaanay falkaasi ka dhacay xaafada Axmed macalin Haaruun, dadkaasi waxay ku gafeen xeerka doorashooyinka madaxtooyada ee golaha deegaanka ee Xr Lr 20 kaas oo soo baxay sanadkii 2001-dii,”ayuu yidhi afhayeenka ciidanka Booliska Faysal Xiis Maxamed.

Waxaanu intaas ku daray “Sadexdaas eedaysane waxay dadka danyarta ah kaga urursanayeen kaadhadhka oo ay ku lahaayeen waxaanu idin siinaynaa rubucyo raashin ah iyo biyo, waxaanay ciidanka boolisku gacanta ku soo dhigeen 62 kaadh oo ah kuwii codbixinta ah iyo sadexdaas eedaysane oo ku kacay falal ka dhan ah xeerka nidaamka doorashooyinka madaxtooyada, Siday sheegeen eedaysanayaashu waxay ka shaqaynayeen xafiis ku yaala degmada Gacan Libaax, waxaanay kala sheegteen inay yihiin gudoomiye, xidhiidhiye iyo xoghayn.”

Afhayeen Faysal Xiis isagoo arrintan sii sharaxaya waxa uu yidhi “waxa kale oo ciidanka boolisku soo qabteen hal nin oo dadka ka diiwaan geliyey xaafada Daami, kaas oo aanay ogayn guddida doorashadu, waana dambi, nimanka waxaas samaynayaa waa niman khal khal galinaya amniga qaranka.”

Sidoo kale taliye ku xigeenka ciidamada booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa isaguna ka digay falal xumayn kara amaanka waxaanu yidhi “Sida aynu ognahay ololihii doorashadu waa gaba gabo oo waa dhaw yahay, si wanaagsan oo nabad galyo ah ayaanay ciidanka booliska iyo asxaabtuna uga hawl galay, waxa kale oo inagu soo kordhay khaladaad badan oo keeni karta in nabad galyadu khatar gasho oo ay ka mid tahay kaadhadh la urursanayo oo laga ururinayo dadkii lahaa, taasina nabad galyo xumo weyn ayey keenaysaa.”

Dhinaca kale, guddida doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay in la isku dayo in dad kaadhadhkii codeynta ahaa laga urursado, waxaanu sheegay in dambi qaran tahay oo xeerka doorashaduna tilmaamayo ciqaabta qofka sidaas sameeya.

 

“Kaadhkan lagu codaynayaa waa astaantii qaranka, lacagta ku baxday waa labaatan Milyanin in ka badan, tamar iyo karti badan baa gashay sidii kaadhkaasi loo samayn lahaa, maaanta waxa nasiib daro ah in Hargeysa dhexdeeda oo caasimadii ah oo la islahaa waa meelihii ugu ilbaxsanayd in kaadhahdkii dadka masaakiinta ah laga urursado oo loo adegsado sifo sharci daro ah”ayuu yidhi gudoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka C/qaadir Iimaan.

Waxa uu intaas ku daray “Waxa na loo sheegay in la qabtay dumar iibsanayayey kaadhadh sifo sharci daro ah ku iibsaday waxa la qabtay laba iyo lixdan kaadh oo dad koobani qaadanayey, waa arrin aanu ka argagaxnay”

 

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in sharciga lala tiigsanayo,isla markaana waxa uu dadweynaha u akhriyey qodobada ka hadlaya in sifo khaldan loo adeegsado kaadhadhka codeynta, waxaanu yidhi “Qodobka 67aad ee dastuurka farqdiisa kowaad qof kasta oo layimaad goob kaadh aanu lahayn iyadoo ujeeddu tahay inuu codeeyo waxa uu galay dambi, waxaanu mutaysanayaa sanad ama laba sanno oo xadhig ama ganaax laba milyan illaa saddex milyan oo Somaliland shilling ah.Qof kasta oo kaydsada kaadh codbixinayd oo qof kale leeyahay isagoo ujeedadisu tahay in maalinta codbixinta si khaldan uga faa’iidaysto waxa uu galay dambi waxaanu mustaystay lix bilood ilaa laba sanno oo xadhig ah”

Si kastaba ha ahaatee, baryahan dambe wararka suuqa la isla dhexmarayey ayaa sheegayey in xisbiyaddda qaarkood deegaanadda u arkaan in aanay codad badan ka helayn ay dadka ka iibsanayeen sii ay u dhimaan codadkii xisbiga kale heli lahaa, haseyeeshee oo dadka badankoodu u haystay inay been tahay waxa ay dhabowday markii dad kaadhadhka iibsanayey ciidanka amaanku gacanta ku dhigeen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.