4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 7 , 2017
30 Million oo dollar oo la duldhigay madaxa hogaamiyaha Xuutiyiinta Yemen

 

Talaado, November, 07, 2017 (HOL) - Dowladda Sacuudiga dul dhigtay madaxa hogaamiyaha Xuutiyiinta Yemen, C/Maalik Al-Xuuti iyo 40 Sarkaal oo la shaqeysa, isagoo sidoo kale dul dhigay madaxooda lacag gaareysa 30 Million oo dollar.

Sidoo kale liiska waxaa ku jira oo qeyb ka ah madaxa gollaha siyaasadda Xuutiyiinta, Saalax Al-samad iyo Gacan-Yarayaal kale oo kooxdaas ka tirsan

Lacagta ayaa la sheegay in uu muteysan doono qof kasta oo keena Warbixin horseedi karta in la soo xiro ama la qabto hogaamiyhaa Xuutiyiinta iyo Saraakiisha kale ee liiska kula jira.

Balanqaadka Sacuudiga ayaa yimid kaddib markii la burburiyey Gantaal ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta la beegsadeen Garoonka Dayuuradaha King Khalid oo ku yaalla caasimadda Sacuudiga ee Riyadh dhowr habeen ka hor.

Gantaalkaasi kaddib dayuuradaha Isbahaysiga Sacuudiga ayaa qaaday weerar is daba joog ah oo lala eegtay xarumaha Xuutiyiinta ku leeyihiin caasimadda dalka Yemen ee Sanca iyo magaaladda Sacda oo ah halka la sheegay in Gantaal laga tuuray.

Goobaha la duqeeyey waxaa ka mid ah Dhismaha Wasaaradaha Gaashaandhiga, arrimaha gudaha iyo golaha amniga Qaranka ee Xuutiyiinta, lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]