4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 7 , 2017
Qaramada Midoobey oo dalbatay in la joojiyo rabshadaha Rakhine

 

Talaado, November, 07, 2017 (HOL) - Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa dalbaday in la soo afjaro rabshadaha ka taagan gobolka Rakhine ee dalka Myanmar, kuwaasi oo sababay in boqolaal kun oo qof oo ka tirsan qowmiyadda Rohingya ay guryahooda ka qaxaan.

Milatariga dalkaasi Myanmar ayaa gudaha gobolkaasi waxaa uu ka wadaa wax ay saraakiisha Qaramada Midoobey ay ku tilmaameen isir sifeynta qowmiyadda musliminta Rohingya.

Golaga ammaanka ayaa sidoo kale ku baaqay in boqolaalka kun ee qof ee Rohingya ee u qaxay dhinaca dalka dersika ah ee Bangladesh loo ogolaado in ay dalkooda ku laabtaan.

Shiinaha ayaa bayaankaasi taageertay balse waddamada Britain iyo Faransiiska ayay u suurtageli weyday in Beijing ay ku qanciyaan in ay taageerto in la meel mariyo qaraar cambaareynayo Myanmar oo ay xulufo yihiin.

Wakiilka Myanmar u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ayba suurtagal tahay in bayaankani cusub uu sii sare qaado xiisadda gobolkaasi ka taagan.

BBC