4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 7 , 2017
Dowladda oo beenisay ka qeybgalka shir looga hadlayo arrimaha shidaalka

 

Talaado, November, 07, 2017 (HOL) - Wasiirka wasaarada batroolka iyo macdanta xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar maalmihii ugu danbeeyay siweyn loo hadal hayay oo ahaa in wafdi uu horkcayo ra’iisal wasaare Kheyre ka qeybgalayo shir looga hadlayo arrimaha shidaalka oo ka furmaya magaalada Nairobi.

Wasiirka ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan aysan ka warqabin arintan, islamarkaana go’aanka ugu danbeeya ee shirkaas yeelan doonto sida uu hadalka u dhigay dowladda Soomaaliya.

‘’Waxaan rabaa in aan meesha ka saaro shakigaas iyo madmadowga maalmihii ugu danbeeyay suuqa soo gallay, waxaana uu mowqifka dowladdu yahay in shir aysan soo qabanqaaabin wasaarada batroolka aan la qaban doonin’’ ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay warbaahinta.

Wuxuu kaloo uu sheegay in hada uusan jirin qorshe socda oo ku aadan in dowladda Federaalka ka qeyb gasho shirka baarista shidaalka ee Somalia  OIL.

Wasiirka ayaa ku baaqay in la joojiyo shirkan oo horaanta sanadkan soo socda ka furmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo qoraal arintan ku saabsan u diray shirkada International Research Network oo la sheegay in ay qeyb ka tahay qaban qaabada shirkan.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa siweyn loogu baahiyay baraha bulshada warar sheegayay in wafdiu u horkacayo ra’iisal wasaare Kheyre ka qeyb galayaan shirka ka dhacaya magaalada Nairobi oo looga hadlayo arrimo la xiriira baarista shidaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]