4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 7 , 2017
Ciidamada AMISOM oo howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka bilaabaya gobolka Shabeellaha Hoose

 

Talaado, November, 07, 2017 (HOL) – Ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa ka bilaabay gobolka Shabeellaha hoose howlgal ka dhan ah Al-shabaab, iyadoo gobolkaas lagu tilmaamo saldhig ugu balaaran ee Al-shabaab guud ahaan marka la eego dalka Soomaaliya.

Lt Col Bagenda, oo ah Taliyaha ciidamada Holwgalka Uganda qeybta 11-aad ayaa sheegay ciidamada  AMISOM oo garab ka helaya kuwa xoogga in holwgal culus ay ka wadaan gobolka Shabeellaha hoose, si la isugu furo  jidadka xiriiriya gobollada Shabeellaha hoose, Bay iyo gobolka Banaadir.

“Hadafka howlgalka waa in aan ka cirib tirno Al-shabaab gobolka, dabcan wad ogtahay in AMISOM ay halkan u joogto si ay u taageerto ciidamada ammaanka Qaranka Soomaaliyeed oo nooga sii horreeya hawlgalka, ayuu yiri Kaheru Bagenda, Taliyaha ciidamada Holwgalka Uganda qeybta 11-aad.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay Ciidamada AMISOM oo aad u hubeysan garabna ka helaya Ciidanka xoogga in ay howlgalka ka bilaabeen deegaannada duleedka ka ah Afgooye, Balidoogle, Ceelasha-biyaha, Ciraaq, Basra, iyo degaano kale.

Wuxuu kaloo sheegay ciidamada AMISOM ujeedka ay Soomaaliya u joogaan in ay tahay in ay ka go’an tahay sugidda ammaanka Soomaaliya, sidoo kalena door weyn ka ciyaaraan geeddi-socodka xasilinta.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa xoogga dalka ayaa ku guuleystay in Al-shabaab ay ka saaraan meelo badan oo ka mid ah dalka, oo ay ku jiraan magaalooyinka muhiimka ah ee Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]