4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 6 , 2017
Taliska ciidamada Badda Puntland oo Beeniyay in Askari ka tirsan ciidankooda uu kufsaday Faa'izo Maxamed Cabdi


Cabdirsaaq Diiriye Faarax 


Isniin, November, 06, 2017 (HOL)- Taliyaha Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland Cabdirsaaq Diiriye Faarax oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay wararka sheegaya in askari ka tirsan ciidamada bad-da uu ka danbeeyay kufsi loo gaystay gabar Soomaaliyeed oo 17-sano jir ah.

"Arintaas waxaan rabaa in aan idiin cadeeyo in ay tahay wax aan jirin , mana ahan arin ka dhacday ciidanka badda Puntland sidoo kale cid-da falka gaysatay ma ahan askari ka tirsan ciidankeena " ayuu yiri taliyaha oo la hadlay warbaahinta tan iyo markii uu kiiskan soo shaac baxay.

"Runtii arintani waa mid aad u xun oo anigu qiil uma bixinayo ,laakiiin in ciidan sharaf leh oo aan u maleynayo in ay yihiin kuwa ugu akhlaaqda wanaagsan Somalia in lagu tilmaamo in iyaga ay ku lugu leeyihiin kufsigan ayaan waxaan u arkaa in ay tahay mid meel ka dhac ah " ayuu mar kale yiri taliye Faarax.

Taliyaha ayaa sheegay in cid-dii  cadayn u haysa in askarigaas uu ka tirsanaa ciidamada badda Puntland ay miiska soo saarto , isla markaana dhankooda ay canbaaraynayaan kufsigan lagula kacay gabadhan Soomaaliyeed.

Sawirka Faaizo Maxamed Cabdi oo ku jirta Cisbtaalka Digfeer ee Muqdisho.



Dhinaca kale wasaaradda cadaaladda Puntland ayaa sheegtay in ay soo saareen waaran lagu xirayo askarigaasi oo magaciisa lagu sheegay C/qaadir Warsame Axmed kuna magac dheera Sanka , isla markaana dhamaan baraha koontroolada Puntland la dhigay sawirkiisa.

Wasaaradda Cadaalada ayaa  tilmaamtay in marka ninkaasi la qabto la horgayn doono maxkamad-da ciidamada Puntland ,maaadaama uu ahaa askari ka tirsan ciidanka ,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu baxsday magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.

Maxamed Cabdi Xayi oo ah aabaha dhalay gabadha kufsiga loo gaystay oo hadda ku jirta cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gabadhiisa dhowr xabadood uu askariga uga dhuftay xubinta taranka ka dib markii ay diiday in uu xoog ku kufsado.

Ugu danbayn, falkan ayaa dhacay 27-dii bishii la soo dhaafay ,waxaana la sheegay in askariga iyo gabadha dhibka uu gaaray ay  ahaayeen sheeko wadaag uu ka dhaxeeyo xiriir , isla markaana kulankoodii koowaad oo Bosaaso ka dhacay uu isku dayay in uu kufsado.

Faysal M. Hassan
[email protected]