3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 6 , 2017
Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada oo hortagay xildhibaannada Aqalka sare


Isniin, November, 06, 2017 (HOL) –Madaxweynayaasha dowlad gobolleedka qeybta ka ah dowladda federaalka oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta hortagay mudanayaasha Aqalka sare.

Ugu horayn waxaa halkaasi warbixin ku aadan waxyaabaha u qabsoomay Aqalka sare iyo shaqadooda waxay tahay ka soo jeediyay  Abshir Maxamed Axmed guddoomiye Koowaad ee gollaha Aqalka sare.

Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Maxamed Cabdi Waare, Shariif Xasan Shiikh Aadan, Axmed Maxamed Islaam iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Aqalka Sare ay matalaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, iyaga halkaas ka jeediyay Khudbado ay kaga hadlayaan xaalada dalka iyo in loo midoobo dagaalka Al shabaab iyo sidii hormar balaaran loo gaari lahaa .

Waa markii ugu horaysay ee Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada xubinta ka ah dowlada Soomaaliya ay hortagaan kulana la qaataan mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ayaa maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho ugu soo dhamaaday shir ay la lahaayeen madaxda dowladda federaalka oo looga wada hadlayay xiriirka ka dhaxeeya dhameynta khilaaf waayadii ugu danbeeyayba taagnaa, waxaana ay wada jir u soo saareen war-murtiyeed lagu qeexay qodobada lagu heshiiyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/6/2017 1:18 PM EST
Isniin, November, 06, 2017 (HOL)- Taliyaha Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland Cabdirsaaq Diiriye Faarax oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay wararka sheegaya in askari ka tirsan ciidamada bad-da uu ka danbeeyay kufsi loo gaystay gabar Soomaaliyeed oo 17-sano jir ah.

11/6/2017 9:12 AM EST
Isniin, November 06, 2017 (HOL)- Ololaha xisbiyadda Somaliland ayaa maraya wareegii lixaad ee isku soo baxa uu xisbi walba maalin gaar ah leeyahay, taas oo noqonaysa wareegyadii u dambeeyey.

11/6/2017 5:28 AM EST
Isniin, November, 06, 2017 (HOL) - Wararka ka imanaya degmad Bu’aale gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in maanta halkaa Al-shabaab ku toogteen Afar nin oo ay ku eedeeyeen in ay Basaas u ahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

11/6/2017 5:15 AM EST
Isniin, November, 06, 2017 (HOL) - Amiir Mansuur Bin Maqran oo ahaa ku xigeenka Amiirka mandiqada Casiir ayaa ku geeriyooday shil Diyaarad oo nooca hilokobtarka ah, waxayna ku burburtay Konfurta Sacuudiga oo dhacda Xuduuda sacuudigu la leeyahay dalka Yeman.

11/6/2017 3:18 AM EST
Isniin, November, 06, 2017 (HOL) - Iyadoo dhawaan Puntland uga digtay Soomaaliland in Sanaadiiqda codeynta la geeyo deegaanno qaar oo Puntland ay isku hayaan Soomaaliland, ayaa waxaa arintaan ka jawaabay wasiirka Amniga Soomaaliland Maxamed Muuse Diiriye.

11/6/2017 2:55 AM EST
Isniin, November, 06, 2017 (HOL)- Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo saaacadihii ugu danbeeyay howlgal ka sameeyay deegaanno hoostaga gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha dhexe ayaa oo bandhigay rag u badnaa dhalinyarro oo ku eedeysan in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

11/6/2017 1:24 AM EST
Isniin, November, 06, 2017 (HOL) – Mas'uuliyiinta gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in labaatan iyo lix qof lagu dilay kaniisad ku taala magaalada Sutherland Springs ee gobolkaasi, kadib markii uu rasaas ku furay nin hubeysan. Wararku waxaa ay sheegayaan in shan iyo labaatan qof oo kale ay ku ku dhaawacmeen weerarka.

11/6/2017 1:17 AM EST
Isniin, November, 06, 2017 (HOL) – Maxakamad hoostagta maamul gobolleedka Galmudug oo ku taalla magaalada Gaalkacyo ayaa xukun ku ku riday Kalluumeysato u dhashay dalka Yemen, kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay si sharci daro ah uga kalluumeysanayay.

11/6/2017 12:45 AM EST
Isniin, November, 06, 2017 (HOL) – Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya General C/laahi Cali Caanood ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo ciidamada dowladda ay kula wareegeen deegaanno ay horay gacanta ugu hayeen Al-shabaab.

11/6/2017 12:34 AM EST
Isniin, November, 06, 2017 (HOL) – Wasiirkii shaqadda iyo arrimaha Bulshadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Obsiiye, ayaa iska casilay xilkii wasiirnimo iyo xubinimaddii golaha dhexe ee uu xisbiga KULMIYE ka ahaa, waxaanu ku sababeeyey is casiladaasi in aanu doonayn in codka deegaannkiisu ku dhicin meel aan ku haboonayn.

11/6/2017 12:31 AM EST
Isniin, November, 06, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdwali Maxamed Cali Gaas ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyn lala eegtay Koox ka tirsan Ururka Daacish oo ka dagaalama deegaannada Puntland