4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 6 , 2017
Al-shabaab oo degmada Bu’aale meel fagaaro ah ku toogtay Afar ruux

 

Isniin, November, 06, 2017 (HOL) - Wararka ka imanaya degmad Bu’aale gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in maanta halkaa Al-shabaab ku toogteen Afar nin oo ay ku eedeeyeen in ay Basaas u ahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Fagaare ku yaal magaalada Bu’aale ayaa lagu toogtay Afar Nin oo lagu soo eedeeyay in ay la shaqeynayeen ciidamada Itoobiya eek u sugan gobollada Jubbooyinka.

Maxkamada Al-shabaab ayaa sheegtay in raggan qirteen dacwadihii lagu soo oogay ee ahaa in ay basaas u ahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa  Itoobiya.

Afarta qof ee la toogtay ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdi Risaaq Xaashi Cabaas, Cumar Cadar Cumar, Max’med Aba Mayoow. Mustaf Macalim Xasan

Al-Shabaab ayaa inta badan degaanada ay gacanta ku hayaan ku toogta dadka ay ku eedeeyaan in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa shisheeye ee gacanta militari siiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]