4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 6 , 2017
Eedeysanayaal la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab oo la soo bandhigay


Isniin, November, 06, 2017 (HOL)- Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo saaacadihii ugu danbeeyay howlgal ka sameeyay deegaanno hoostaga gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha dhexe ayaa oo bandhigay rag u badnaa dhalinyarro oo ku eedeysan in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Ragga la soo bandhigay oo ay ciidamadu soo qabteen oo gaarayay 15 ruux ayaa ku eedeysan in ay ka tirsanaayeen Ururka Al-shabaab, waxaana lagu qabtay sida ay sheegeen saraakiisha howlgalo laga fuliyey deegaannada Daniga Baalow, Basra, Jambaluul, Buulo Barwaaqo iyo Beerta Shariif Cabdi Naasir.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan ayna hogaaminayeen saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwo Mareykan ah.

Marka laga soot ago sheegashada saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ma jirto cid kale oo madaxbanaan oo xaqiijin karta in dadka la soo bandhigay ka tirsanaayeen Al-shabaab iyo in kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]