4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 6 , 2017
Galmudug oo xukun ku riday muwaadiniin u dhashay dalka Yemen

 

Isniin, November, 06, 2017 (HOL) – Maxakamad hoostagta maamul gobolleedka Galmudug oo ku taalla magaalada Gaalkacyo ayaa xukun ku ku riday Kalluumeysato u dhashay dalka Yemen, kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay si sharci daro ah uga kalluumeysanayay.

Muwaadiniinta reer Yemen ee la xukumay oo gaarayay Saddex Badmaax ayaa la shaqeynayay Doon lagu magacaabo Al Ikhlaas1 islamarkaana si sharci dara ah uga kalluumeeysanayay xeebaha deegaannada maamulka Galmudug, waxaana lagu riday xukuno isugu jira xabsi iyo Ganaax lacageed.

Badmaaxiyaashan oo 2dii bishii October ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada ilaalada xeebaha Galmudug ayaa waxaa xukunkooda ku dhawaaqay kaaliyaha Maxakamada Sare ee Galmudug Dr Maxamed Jaamac Diirshe kadib markii maxkamada la horkeenay ayna qirteen danbiga loo heystay sida uu xusay waxaana kaaliyuhu uu sheegay markii maxkamadu ay heshay cadeyn marqaati iyo qiraalba in maxakamadu ay ku xukuntay sadaxdan Badmaax Min 2sano oo xabsi ah iyo 2kun oo doolar, waxaa sidoo kale maxakamadu ay ku xukuntay Doonidii ay la shaqeeynayeen sadaxdan badmaax oo lagu magacaabo Al Ikhlaas 1 Konton kun oo dollar (50.0000$).

Intaas kadib waxaa iyaguna la hadlay warbaahinta Wasiirka wasaarada cadaalada iyo garsoorka Maxamed Cabdi Maxamed iyo Wasiirka wasaarada Gadiidka Badda iyo Dakadaha Galmudug Maxame Aadan Qalabxoor waxayna uga mahad celiyeen ciidamada ilaalada xeebaha Galmudug howlgalkaan iyo howlgalada kale ee lagaga hortagayo xaalufinta Kheyraadka badaha Soomaaliyeed.

Waxay ugu baaqeen madaxda Galmudug Dowladda Fedaraalka Soomaaliyeed iyo kuwa Dowlad gobaleedyadu in ay iska kaashadaan la dagaalanka Burcad kalluumeysiga xaalufinta ka wada biyaha badda dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]