4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 6 , 2017
Taliska militariga oo faah faahin ka bixiyay deegaanno ay kala wareegeen Al-shabaab

 

Isniin, November, 06, 2017 (HOL) – Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya General C/laahi Cali Caanood ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo ciidamada dowladda ay kula wareegeen deegaanno ay horay gacanta ugu hayeen Al-shabaab.

Abaanduulaha ayaa sheegay in ciidamada dowladdaAl-Shabaab kala wareegeen degaano ka tirsan labada gobol Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale Al-shabaab ay si iskood ah deegaanada qaar ugu baxeen kaddib markii ay ka warheleen in ciidamada dowladda ay duulaan ku yihiin.

Abaanduulaha ayaa sheeegay in deegaannada kale wal ku harsan gacanta dowladda ciidamadu qorsheynayaan in ay la wareegaan.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan ku dhawaaqay in dalku uu gallay xaalad dagaal, islamarkaana dowladdu sida ugu dhaqsiyaha badan Al-shabaab uga saari doonto deegaannada ay wali ka maamulaan dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]