Axad, November, 05, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhow la soo gaba gabeeyay
shirkii Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada uga socday magaalada Muqdisho,
iyadoo lagu saxiixay war murtiyeedkii ay ku heshiiyeen Madaxda.
Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa qaatay waqti ka badan intii uu qorshuhu ahaa in lagu soo gabagabeeyo, madaama uu ku soo beegmay xili khilaaf adag uu ka dhax jiray dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada qaarkood.
Akhriso War-murtiyeedka laga soo saaray shirka :
1. Siyaasadda
a. In lagu wada shaqeeyo jawi ku dhisan Kalsooni, Midnimo, Dulqaad,
Isu-tanaasul, Wadatashi iyo Mas’uuliyad wadareed.
b. In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta Dowladda Federaalka, Dowladaha
Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir, layskuna ixtiraamo Mas’uuliyadaha
Dastuuriga ah ee la kala leeyahay iyo kuwa Wadaaga ah.
c. In la ilaaliyo Xasiloonida Siyaasadeed ee Dalka iyo wadajirka si loola
dagaalamo Argagixisida.
d. In laga fogaado, lana joojiyo waxkasta oo keeni kara shaki iyo xasaasiyad
Siyaasadeed, Saamayna ku yeelan kara deganaanshaha, wadashaqaynta iyo
Iskaashiga Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.
2. Amniga
a. La-dagaalanka Argagixisada
i. In la-adkeeyo amniga dalka meelna looga soo wada jeesto xoraynta Dalka iyo
la dagaalanka Argagixisada.
ii. In lala yimaado qorshe dhamaystiran oo wadajir ah oo lagula dagaalamayo
argagixisada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed labadaba, lana xoojiyo
ciidamada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir,
tababar ahaan iyo qalab ahaanba.
iii. Iyadoo laga faa’iidaysanaayo Shirkii Wadatashiga Dowladda Federaalka,
Dowladadaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa la qabtay kulankii
3-aad ee Amniga Qaranka 02/11/2017 waxaana Goluhu isku raacay in guluf
colaadeed oo midaysan lagu qaado Argagixisada. Waxaa Goluhu u ballamay in
03/12/2017 laysugu yimaado kulan kale Magaalada Muqdisho.
b. Dhismaha Ciidan Qaran
i. In la dardargeliyo hirgelinta Qorshaha Amniga Qaranka, isla markaana dib loo
eego lana adkeeyo meelaha gaabisku ka jiro heshiisyadii hore ee (Security
Architecture).
ii. In la dardargeliyo dhismaha Ciidan Qaran oo isku dhaf ah, ka madaxbanaan
siyaasad, sumad qabiil, lehna caqiido iyo mabda’a wadaninimo, agab iyo tababar
waafi ah.
iii. Waxaa Golaha Amniga Qaranku isku raacay in dib-u-qaabaynta qaybaha XDS
(Re-sectorization) la dhamaystiro muddo bil gudeaheeda, ayada oo la fulinayo
amarka Wasaaradda Gaashaandhiga, lana tix-raacayo heshiiskii 16kii, April,2017
ee qaab dhismeedka Amniga Qaranka.
iv. Waxaa laysku raacay in Guddiga Farsamada ee Golaha Amniga Qaranku
layimaado qorshe cad oo ku aadan qaybinta Ciidanka Booliiska iyo Ciidamada
Ilaalinta Xeebaha shirka Disembar,2017.
3. Arrimaha Federaalka
a. In la sameeyo Guddi Farsamo iyo Khuburo heer Federaal iyo heer Dowlad
Goboleed iyo Gobolka Banaadir oo kala shaqeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha,
Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, Wasaaradda Dastuurka iyo Hay’adaha kale ee
ay arrintani qusayso, si ay uga soo talo bixiyaan hirgelinta iyo ku dhaqanka
nidaamka Federaalka ah, kala qeexidda iyo qaybsiga awoodaha Federaalka iyo
khayraadka, si heshiis guud iyo Isfaham Siyaasadeed (Political Consensus) oo dhamaystiran
looga gaaro arrimaha Federaalka muddo (6) Lix Bilood gudohood ah.
b. In Golaha Baarlamaanka, Aqalka Sare kaalin muhiim ah ku yeesho Hirgelinta
Federaalka, Hindise-Sharciyeedyada Cusubi waxay ka bilaaban karaan labada Aqal
ee Baarlamaanka Federaalkaba, waana inay labaduba Ansixiyaan
Hindise-sharciyeedyada ka hor inta aan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku
Saxiixin.
c. In Hindise-sharciyeedyada lagala tashado Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda
Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Guddiyadooda Farsamo ee Golaha, ka hor inta
aan la hor keenin Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka si aysan
caqabad ugu imaan dhaqan gelintooda.
d. In la kordhiyo xarumaha Federaalka ee Dowladaha Xubnaha ka ah lana
dhaadhiciyo adeegyada muhimka ah sida Baasaboorrada iyo Tasdiiqa Shahaadada.
e. In la dedejiyo dhismayaasha goleyaasha deegaanka, lana kordhiyo
aqoontooda iyo tayadooda, si bulshadu talo iyo cod ugu yeelato adeegyada
asaasiga u ah noloshooda.
4. Arrimaha Doorashooyinka 2020
a. In si wadajir ah looga shaqeeyo talana looga yeesho sidii dalka doorasho
hal cod iyo hal qof ah uga dhici lahayd, lana abuuro jawi arrintaas
suurta-geliya.
b. In Guddiga Doorashooyinka Qaranku (NIEC) ku sameeyo wadatashiyo loo dhan
yahay (90) Sagaashin Cisho Gudohood si heshiis siyaasadeed looga gaaro
caqabadaha hor taagan doorashooyinka.
c. In gacan buuxda la siiyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka (NIEC), lana
raadiyo dhaqaale lagu fuliyo doorashada 2020, iyada oo la isku tashanayo,
Beesha Caalamkana la kaashanayo.
d. Waxaan ku Bogaadinaynaa Maamulka Somaliland Habsami u socodka ololaha
Doorashada oo ay ka muuqato Xasilooni Siyaasadeed, waxaana rajaynaynaa in ay si
nabad gelyo ah ku dhamaato.
5. Deb-u-eegista Dastuurka
a. In Dowladdu maalgeliso dib-u-eegista Dastuurka si loo hubiyo lahaanshaha
geeddi socodka Dastuurka, laguna daro Miisaniyadda 2018.
b. Waxaa lagu heshiiyay in Baarlamaanada Dowlad Goboleedyadu kaalin ku
yeeshaan dhamaystirka Dib-u-eegista Dastuurka, ka hor inta aan la hor keenin
Goloyaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka, si loo hubiyo kalsooni
Shacab iyo wadatashi buuxa.
c. In la xoojiyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka tiro
ahaan iyo tayo ahaanba.
d. In laga shaqeeyo iswaafajinta Dastuurka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha
Xubnaha ka ah.
e. In la dedejiyo Golaha Adeega Garsoorka Federaalka, lagana yeesho
wadatashi loo dhan yahay.
6. Arrimaha Mashaariicda Horumarineed iyo Gargaarka Bani’aadanimada
a. Waa in Mashaariicda Horumarineed, Gargaarka Bani’aadanimo iyo Deeqaha
Maaliyadeed loo gaarsiiyo dhamaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaal iyo
Gobolka Banaadir si isu miisaaman, loona saaro Guddi Farsamo labada dhinac ah
oo kasoo talo bixiya.
b. Waa in Hay’adaha Caalamiga ah iyo UN-ku ka hawl galaan, xarumana ku
yeeshaan deegaan kasta oo suurtagal ah, si adeegga loogu dhoweeya bulshada.
c. In la dar-dargeliyo Gurmadka Bani’aadanimo goobaha ay weli Abaaruhu ku
dameeyaan, lana helo xal waara oo arrimahan looga hor tago (Resilience
Strategy).
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]