4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 5 , 2017
Sacuudiga oo xir xiray Amiirro Musuqmaasuq ku eedeysan

 

Axad, November, 05, 2017 (HOL) – Xukuumadda Sucuudiga ayaa qaaday olole musuqmaasuqa lagula dagaalamayo, waxaana ololahaa lagu soo xidhay toban Amiir oo ay ku jiraan wasiirro sar sare iyo sidoo kale tobanaan wasiiro hore ahaan jiray, talaabadaas ayaa la sheegay in looga golleeyahay in lagu cidhib tiro musuqmaasuqa.

Dhaxal sugaha taajka boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, oo gudoomiye u ah guddi cusub oo la dagaalanka musuqmaasuqa loo xil saaray ayaad moodaa inuu gacan bidixaynayo ragga ka soo horjeeda.

Weriye ka tirsan BBC-da ayaa sheegay xil ka qaadista dhawr shakhsi oo dalka magac ku lahaa in ay ka carreysiin doono muxaafidiinta.

Weriye ka tirsan BBC-da ayaa sheegay xil ka qaadista dhawr shakhsi oo dalka magac ku lahaa in ay ka carreysiin  doono muxaafidiinta.

Waxaanu intaa ku daray in Sucuudiga oo ah bulsho nidaam qabyaaladeed ku dhisani aanu diyaar u ahayn is bedel degdeg ah.

Dhinaca kale warbaahinta Sucuudiga ayaa sheegtay in milatariga dalkaasi ku soo riday meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee magaalada Riyaad gantaal ay masuuliyiintu sheegeen in laga soo ganay dalka ay deriska yihiin ee Yemen oo fallaagada Xuutiyiintu kula dagaalamayaan xukuumadda Sucuudigu taageero.

Telefishan ay Xuutiyiintu taageeraan ayaa se ku waramay in gantaalku ku dhacay bartilmaameedkii lala beegsanayey oo ah garoonka diyaaradaha Riyaad.

Xuutiyiintu tiro gantaalo ah ayay ka soo rideen xadka labada dal u dhexeeya laakiin midna ma soo gaadhin xarumaha waaweyn ee shacabku deganyihiin.

BBC