4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 5 , 2017
Rag hubeysan oo xalay Muqdisho ku dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliiska

 

Axad, November, 05, 2017 (HOL) – Koox hubeysan ayaa xalay Xaafada Jaamacadaha ee degmada Hodan waxaa ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliiska dowladda Soomaaliya.

Goob-joogayaal ayaa ku waramay in sarkaalkan la toogtay xili uu ku sugnaa Ilinka hore ee gurigiisa oo ku yaalla agagaaarka Beerta Qaadka, waxaana magaciisa lagu soo koobay Maxamed Dheere.

Kooxda ka dambeysay dilka Sarkaalka ayaa Rasaasta kala dhacay qeybta kore ee jirkiisa taas oo sababtay in isla goobta uu ku geeriyoodo.

Ciidamada dowlada ayaa goobta gaaray, wax yar kaddib markii ay halkaas ka carareen kooxda dilka geysatay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]