4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 5 , 2017
Safiirka Imaraadka iyo Ergeyga IGAD u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya oo kulmay

 

Axad, November, 05, 2017 (HOL) – Safiirka Iskutaga Imaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Al Othman ayaa la kulmay Ergeyga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mohamed Ali Guyo, iyaga oo ka wada hadlay xaalada Soomaliya.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya UAE iyo IGAD, gaar ahaan safaarada Imaaraadka iyo xafiiska IGAD ee Muqdisho, si loo hubiyo taageerada nabad-gelyada iyo xasiloonida Soomaaliya ee labada dhinac.

Guyo ayaa ku ammaanay Imaaraadka dadaalka ay ku bixinayaan taageerada nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya iyo doorkooda la xiriira dib u dhiska iyo joogteynta mashaariicda hormarineed.

Danjiraha Imaaraadka Carabta ayaa dhinaciisa uga mahad celiyay Ergayga Gaarka ah ee IGAD booqashadiisii wuxuuna ku booriyay in uu dhiirigeliyo kor u qaadista iskaashiga labada xafiis ee IGAD iyo Imaaraadka.

Kulanka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee dhaxmara labada dhinac oo looga wada hadlo xaalada Soomaaliya iskaashiga labada xafiis.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]