Axad, November, 05, 2017 (HOL) – Donald
Jey Trump Madaxwaynaha Mareykanka ayaa gaaray dalka Japan lugtiisii ugu
horeysay ee booqashada uu ku marayo dalalka Qaaradda Assia hlkaasi oo uu kula
kulmayo madaxda wadamada uu tagayo.
Mr Trump oo ciidamada Mareykanka iyo kuwa Japan kula hadlayay saldhiga
Yokota oo u dhaw magaaladda Tokyo ee caasimadda dalka Japan ayaa ammaanay
isbahaysiga u dhaxeeya Mareykanka iyo Japan oo uu sheegay in uu yahay mid
wanaagsan.
Madaxwaynaha Mareykanka ayaa intaa ku darray in militariga ay haystaan
dhaqaalihii loo baahnaa si ay nabadda u ilaaliyaan islamarkana ay xorriyadda u
difaacaan.
Booqashada madaxwayne Trump ayaa ku soo beegmaysa xilli ay kacsan tahay
xiisadda barnaamijka Niyukleerka iyo tijaabada gantaaladda Kuuriyada
Waqooyi, welina ma jiraan wax war ah oo uu ka yiri arrintaasi Kuuriyada Waqooyi.
Labada madaxweyne ee Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa horey waxaa
ay isku waydaarsadeen hanjabaado iyo hadalo kulul kuwaasi oosaxaafadda adduunku
ay isku marinayeen.
Waxaa ay noqon doontaa booqashadii ugu dheereyd ee uu madaxwayne Mareykan ah
ku tago dibadda muddo 25 sano ah.
Madaxweyne Trump ayaa Booqashadiisa oo qaadan doonta 11 maalmood waxa uu ku
tagi doonaa dalalka Japan, Kuuriyada Koonfureed, Shiinaha, Vietnam iyo
Philippine,isagoo xoojinaya xiriirka kala duwan ee ka dhexeeya wadamadaasi.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]