4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 5 , 2017
Ciidamada dowladda oo deegaanno cusub kala wareegay Al-shabaab

 

Axad, November, 05, 2017 (HOL) – Ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa bilaabay howlgalo ay Al -shabaab uga saarayaan deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha dhexe.

Howlgal ay ciidamada militariga sameeyeen saacadihii la soo dhaafay ayeey kala wareegeen Al shabaab deegaanno ay gacanta ku hayeen.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka dalka Soomaaliya General C/llaahi Cali Caanod, ayaa sheegay ciidamada xoogga dalka in ay la wareegeen deegaanno ay maamulayeen dagaalyahanada Al Shabaab.

Waxaa uu sheegay Abaanuulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed in ay la wareegeen deegaanada Basra ,Daniga Baalow iyoTuulooyin kale oo muhiim ah oo u dhaxeeya Shabeellaha Hoose iyo Shabeelaha Dhaxe.

Ciidamada militariga Soomaaliya ayaa xiligan wada dhaq dhaqaaq ciidan oo aad u xoogan, waxa ayna Ciidanka dowlada iyo kuwa AMISOM isku diyaarinayaan duulaan ay ku qaadaan deegaano hor leh ay maamulaan Al Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]