4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 5 , 2017
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama oo Hay'ad Samafal ku Dhawaaqay (Sawirro)

Axad, November, 05, 2017 (HOL) -Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa dhawaan ka furay magaalada Chicago ee xarunta gobolka Illinois, shirweynihii ugu horreeyay ee uu hoggaamiyo kadib markii uu ka dagay xilka madaxtinimada ee wadanka Mareykanka.

Obama oo markisii ugu horeysay furay hay’addiisa Sama-fal ee “Obama Foundation”, ayaa gogashii lagu daah-furay waxaa ka qeyb galay 500 (shan Boqol) oo hoggaamiyeyaal dhallinyaro ah oo ka kala socday 60 wadan oo caalamka ku kala yaallo. 

Illaa 27 masuuliyiin oo xilal ka haayo gobolada Mareykanka iyo Madax kale oo ay ka mid ahaayeen:- Prince Harry oo ka mid ah qoyska reer boqor ee Wales ee Baqortooyada UK.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Taliyaaniga Matteo Renzi. Marwada Madaxweynihii hore ee Mareykanka Michelle Obama. Marietje Schaake oo ah xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Netherlands iyo kan Midowga Yurub, sidoo kalana dhawaan aheyd madaxii Kormeerayaasha Midowga Yurub u qaabilsanaa Doorashaddii Kenya ka dhacday iyo Adebola Williams oo ah Ganacsade iyo Wariye oo u dhashay wadanka Nigeria, ahna maal-qabeen dhiiri-geliyo horumarka Africa iyo Siyaasada toosan.

Shirkaan oo ahaa mid labo maalmood socday ayuu ku sheegay Madaxweyne Obama, in hay’addisa cusub ee (Obama Foundation) ay calaamad biloow ah u tahay dadaal ballaaran oo lagu horumarinayo ka qayb qaadashada arrimaha bulshada.

Wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay siyaasada Madaxweyne Trump ee ku aadan Xeerka Daryeelka iyo xayiraadda qaxootiga, isagoona tibaaxay tan iyo markii uu xafiiska ka tagay bishii January ee sannadkaan, in uu go'aansaday dhismaha jiil cusub oo noqdo hoggaamiyeyaasha bulshada.

Dhanka kale dhalinyaradii ka qeyb galay shirka oo laga soo dhex xulay bulshada iyadoo loo fiirinaayo wax qabadkooda, ayaa waxaa ka mid ahaa kuwa ka yimid wadamada wadamada Kenya, Uganda iyo Tanzania.

Dhanka Soomaalida waxaa ku guuleystay inuu ka qeyb galay shirkaas Hukun Dabar oo ah Agaasimaha Fulinta ee hay’adda (Afro American Development Association) oo xarumo ku kala leh magaalooyinka Moorhead ee gobolka Minnesota iyo Fargo ee gobolka North Dakota. Kana shaqeyso arrimaha horumarka iyo u doodida xaquuqda Qaxootiga.

Hukun oo bishii January ee horaantii sannadkaan ku guuleystay abaal-marinta xiriirka aadanaha ee Fargo oo uu bixiyo Duqa magaaladaas, ayaa  Hiiraan Online qadka Taleefoonka ogu waramay markii shirkaas la soo afmeeray.

Wuxuu tilmaamay in kulankaas uu ahaa mid lagu dhiiri-galinaayay dhalinyarada bulshada u shaqeyso, isla markaasna la isku dhaafsanaayay afkaaro ku saabsan sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarka iyo u adeegida bulshada.

Sababaha lagu xushay Hukun, ayuu ku sheegay iney aheyd isagoo tagay wadanka Mareykanka sannadii 2014-kii kadibna sameeyay hay’adda uu madaxda ka yahay oo si weyn looga aqoonsaday deegaanada ay ka shaqeyso.

Wuxuu sheegay in lagu casuumay shirkaas isagoo aanan ka warhaynin, sidoo kalana loo sheegay inuu ka mid yahay dhallinyaro tiro badan oo ka kala imaan doonto dunida daafaheeda si ay oga qeyb galaan shirka lagu furaayo hay’adda sama-fal ee madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama oo dhawaan si toos ah loogu dhawaaqay.    

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online  
[email protected] 
Atlanta, Georgia – Mareykanka