3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 4 , 2017
Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya oo kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada AMISOM

 

Sabti, November, 04, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan ra’iisal wsaaraha xukuumadda Soomaaliya, saraakiisha ciidamada qalabka sida, madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ayaa kulan muhiim ah la yeeshey hoggaanka ciidamada AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Africa.

Kulankan waxaa diirradda lagu saaray amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka Al-shabaab iyo xoojinta wadashaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa AMISOM.

Intii  uu socday kulankaasi waxaa si weyn loo gorfeeyey mideynta qorshaha dagaalka iyo abaabulka dalka lagaga ciribtirayo Al-shabaab, iyada oo la islameel dhigay kaalinta ciidamada AMISOM ay ka qaadanayaan dagaalka.

Danjirayaasha dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada uu ku dhawaaqay madaxweynuhu, iyaga oo tilmaamay in midnimada go’aanka iyo qorshaha madaxda Soomaaliya heer Qaran iyo heer dowlad goboleed ay ku dhiiri-galinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgyada dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/4/2017 11:06 AM EST
Sabti, November 04, 2017 (HOL)- Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa maanta ka qaybgallay 24 guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay ciidanka Booliska Somaliland oo sanad walba maalintan oo kale la xuso.

11/4/2017 10:35 AM EST
Sabti, November, 04, 2017 (HOL) - Rai'sul wasaarihii dalka Lubnaan Sacad al-Xariri ayaa ku dhawaaqay in uu iscaslay taasi oo noqotay tillaabo lama filaan ah.

11/4/2017 10:30 AM EST
Sabti, November, 04, 2017 (HOL) - Safiirka Somaaliya ee Turkiga Jama Abdullahi Mohamed ayaa Wareysi uu siiyay Wargeyska Daily Sabah ku sheegay in Saldhiga millateri ee turkiga uu ka furay Muqdisho in uu bilow u yahay dhismha Dowladnimada Soomaaliya

11/4/2017 10:18 AM EST
Sabti, November, 04, 2017 (HOL)-Wasiirka Wasaarada Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan ayaa maanta hortagay xildhibaanada golaha shacabka.

11/4/2017 8:40 AM EST
Sabti, November 04, 2017 (HOL)-Xukuumadda Somaliland ayaa maanta rusqaddii kala noqotay telefishanka KALSAN TV oo ka mid ah telefishanadda af soomaaliga ku hadla ee ka hawlgala Somaliland.

11/4/2017 5:21 AM EST
Sabti, November, 04, 2017 (HOL)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta baaritaano adag waxa ay ka wadaan wadooyin ka mid ah Magaalada Muqdisho oo dadka iyo gaadiidka si aad ah ay u baarayaan.

11/4/2017 5:05 AM EST
Sabti, November, 04, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowladda gobolleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay kulan kula qaatay magaalada Muqdisho qaar kamid ah Wasiirada Dowladda Soomaliya.

11/4/2017 3:04 AM EST
Sabti, November, 04, 2017 (HOL) – Garsoore Spanish ah ayaa soo saaray waaran lagaga codsanayo dalalka Midowga Yurub in ay soo qabtaan hogaamiyihii xilka laga xayuubiyey ee gobolka Catalonia, Carles Puigdemont, iyo afar kale oo xulafadiisa ka mid ah oo jooga dalka Belgium.

11/4/2017 2:35 AM EST
Sabti, November, 04, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Rag bastoolado ku hubeysnaa qof rayid ah xalay ku dileen degmada.

11/4/2017 2:11 AM EST
Sabti, November, 04, 2017 (HOL)- Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka maalmihii ugu danbeeyayba u socday madaxda dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa maamul gobolleedyada, iyadoo lagu wado in gabagabada shirka laga soo saaro War-murtiyeed la xiriira qodobada lagu heshiiyay.

11/4/2017 2:01 AM EST
Sabti, November, 04, 2017 (HOL)- Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa saakay xiray Isgoyska Xamar Jajab ee Muqdisho kaddib markii lagu arkay gaari Caasi ah oo looga shakiyay in uu sido waxyaabaha Qarxa.

11/4/2017 1:57 AM EST
Sabti, November, 04, 2017 (HOL)- Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo loogu tala galay in ay Al-Shabaab kula dagaallamaan degmada Doolow ee gobolka Gedo.

11/4/2017 1:51 AM EST
Sabti, November, 04, 2017 (HOL)- Taliska Mareykanka ee Africa ayaa war ka soo saaray weerar duqeyn ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu qaaday saldhigyo Daacish ku lahaayeen waqooyi bari Soomaaliya, gaar ahaan buuraleyda Buqa ee agagaarka degmada Qandala ee Gobolka Bari.