4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 4 , 2017
Sanad Guuraddii 24aad ee ka soo wareegtay Aasaaska Ciidamada booliiska Somaliland


Sabti, November 04, 2017 (HOL)- Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa maanta ka qaybgallay 24 guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay ciidanka Booliska Somaliland oo sanad walba maalintan oo kale la xuso.

Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo ka qabsoontay taliska guud ee Ciidanka Booliska Somaliland ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha, gudoomiyaha maxkamadda sare, golaha wasiiradda, taliyeyaasha ciidamadda kala duwan iyo marti sharaf kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen: Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa ka warbixiyey marxaladii kala duwanaa ee uu ciidanku soo maray,isla markaana madaxweynaha ku amaanay kaalinta uu ka qaatay horumarinta ciidanka Booliska.

Sidoo kale, waxa ka hadlay saraakiisha ciidanka iyo wasaarada arrimaha gudaha kuwaas oo ka sheekeeyey hawlaha muhiima ah ee ciidanka Boolisku ka qabtay Somaliland.

Madaxweyne Axmed Silaanyo ayaa ciidanka Booliska ku amaanay shaqadd adag ee qaranka u hayaan, waxaanu kula dardaarmay in doorashada soo socota ee tobanka cisho ee qudhi ka hadhsan tahay inay si cadaalad ah iyo qaranimo ku dhisan yahay uga gutaan waajibkoodda.

“Dalkeenu wuxuu ku yaallaa Gobol, ay colaadaha iyo xasaraduhu ku badan yihiin. Sidaa darteed, waxa lagama-maarmaan ah, in aynu sii xoojinno amniga iyo xasiloonida Qarankeena. Waxa Eebe mahaddii ah, in Nabadda iyo Degenaanshaha, uu dalkeenu maanta ku naaloonayo, ay tahay mid ku timid dedaalka iyo kartida Xukuumadda Xisbiga Kulmiye. Waxaan aamin-sanahay, in maanta aynu hirgelinay nidaam wacan, oo lagu sii dhisi karo, laguna sii horumarin karo Tayada, Xirfadda iyo Aqoonta Ciidanka Booliska Somaliland.”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Waxaanu intaas ku daray “Waxa xusid mudan, bilicda iyo quruxda derajooyinka garbihiinna ka muuqdaa, in ay ka mid-yihiin dedaallada iyo wax-qabadka Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ay hir-gelisay. Derajooyinkaasi, waxay kaalin weyn ka qaateen maamuuska, habyadda iyo kala dembaynta ciidammada dalka. Dhinaca kale, waxaan kula dardaarmi doonaa Madaxweynaha aan xilka ku wareejin doono, in uu halkaa ka sii wado daryeelka, horumarinta iyo tayeynta Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland.”

Mar uu madaxweynuhu ka hadlayey doorashooyinka oo socda iyo sida looga baahan yahay in ciidanku door muhiim ah uga qaadan lahaa amniga iyo hanaan socodka doorashadaasi, waxaanu yidhi “haddii RABBI idmo, waxa foodda inagu soo haysa Doorashada Madaxtooyada Somaliland, oo qabsoomi doonta 13-ka, bisha 11-aad, ee sannadkan 2017-ka. Sidaa darteed, waxaan dhammaan Ciidammada Somaliland ku amaanaya doorka weyn ee ay ka qaateen hab-sami u socodka iyo u diyaar-garowga hawlaha Doorashada Madaxtooyada.Sidoo kale, waxaan ku kal-soonahay, in aad xil mug leh iska saari doontaan amniga qaranka, gaar ahaan xuduudaha dalka iyo goobaha doorashooyinka. Waxaan Shacbiga Somaliland ugu baaqayaa, in ay is-garab taagaan, isla markaana gacan siiyaan, geesiyaasha Ciidammada Qaranka, ee habeen iyo maalin heeganka u ah, sugidda nabadgelyada iyo ka hortagga falalka lagu dhaawacayo xasiloonida dalka.”

Dhinaca kale, waxa ciidanka Boolisku sheegeen in guud ahaan dalka ka dhaceen 19,110 dambi, waxaana beenoobay 3,679 dambi, waxa heshiish lagula baxay 8017 , waxa baadhis lagu sameeyey 1,791 dambi, waxa maxkamada loo gudbiyey 4,828 dambi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.