4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 4 , 2017
Wasiirka Qorsheynta oo maanta hortagay gollaha baaarlamaanka Soomaaliya

 

Sabti, November, 04, 2017 (HOL) - Wasiirka Wasaarada Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan ayaa maanta hortagay xildhibaanada golaha shacabka.

Wasiirka ayaa ka jawaabayay su’aalo xildhibaanada baarlamaanka ay ka weydiinayeen dhismaha hay’adda Tirakoobka qaranka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dhismaha hay’addan ay wax badan dalka kusoo kordhin doonto, haddii xildhibaanada golaha shacabka ay ansixiyaan.

Hay’addan oo qaban doonto tirakoobka shacabka Soomaaliyeed ka hor doorasho cod iyo qofkii ayaa xarumo ku yeelan doono gobolada dalka Soomaaliya, waxaana xarunta ugu weyn ay noqoneysaa magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada qorsheynta ee Xukuumada Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka jawaabay Su’aalihii ay xildhibaanada weydiiyeen wuxuuna sheegay in talooyinka ay soo jeediyeen Xildhibaanada ay si wadajir ah ugu wada shaqeyn doonaan Guddiga golaha shacabka u qaabilsan arrimaha qorsheynta.

Tirakoobkii la sameeyay sanadkii 2014 oo ay Wasaarada qorsheynta Soomaaliya sameysay ayaa waxaa ka dhashay dood badan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]