4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 4 , 2017
Xukuumadda Somaliland oo xayiraad ku soo rogtay Telifishanka KALSAN TV

 

Sabti, November 04, 2017 (HOL)-Xukuumadda Somaliland ayaa maanta rusqaddii kala noqotay telefishanka KALSAN TV oo ka mid ah telefishanadda af soomaaliga ku hadla ee ka hawlgala Somaliland.

Telefishankan ayaa lagu eedeeyey inuu sameeyey warar been abuur ah,isla markaana dhawr jeer oo hore loo digay, haseyeeshee ku adkaysteen inay warar aan jirin ka baahiyaan Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa xayiraad ku soo rogay Kalsan tv, waxaanu ku eedeeyey inuu faafiyey warar been abuur ah oo u ka soo qaaday baraha bulshadda taas oo uu sheegay inuu ku waxyeeleeyay habsami socodka doorashadda Somaliland.

“Telefishanka Kalsan tv wuxuu xadgudub ku sameeyey qaranimadda Somaliland,isla markaana baahiyey November 3-deedii/2017 war been abuur ah oo uu ka soo qaatay baraha bulshadda taas oo uu ku sumcad dilayey habsami u socodka ololaha doorashadda”ayaa lagu yidhi xayiraadda wasiirka warfaafinta ka soo baxday .

“Telefishanka Kalsan tv wuxu ku celceliyey warar iyo warbixino uu iskaga hor keenayo bulshadda,isla markaana cadaystay inuu abuuro warar been abuur ah oo khatar ku ah amniga isagoo ku gabanaya shaadhka saxaafadda”ayaa la raaciyey qoraalkeedda.

Wasiirka Cadaani ayaa sheegay in aanay dhibaato ka dhicin magaaladda Laascaanood,isla markaana aanay jirin wax ku dhaawacmay iyo khasaare kale oo shalay kadhacday magaaladda Laascaanood markii uu xisbiga KULMIYE dhoolatuska ka dhigayey magaaladaasi, waxaanu sheegay in KALSAN TV warkaasi ka dhigay mid dhaawc iyo qalalaase ka dhacay Laascaanood,isla markaana aanu khudbad ka jeedin gudoomiyaha xisbiga, waxaanu wasiirku beeniyey in warkaasi uu Telefishanku baahiyey aanu jirin.

 

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.