4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 4 , 2017
Ciidamada dowladda oo howlgal balaaran ka wada magaalada Muqdisho

 

Sabti, November, 04, 2017 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta baaritaano adag waxa ay ka wadaan wadooyin ka mid ah Magaalada Muqdisho oo dadka iyo gaadiidka si aad ah ay u baarayaan.

Wadada Maka Al-Mukarama, Waddada 21- October iyo Waddada Tarabuunka ayaa xiligan waxaa ka socda howlgal ay sameynayaan ciidamada dowladda, iyadoo ciidamada dadka ay ku amrayaan in ay ka soo dagaan gaadiidka si baaris loogu sameeyo.

Magaalada Muqdisho waxaa ka jira dareen la xiriira amniga, kaddib markii Magaalada ay dhawr mar ka dhaceen qaraxyo gaadiid loo adeegsaday oo la dhigay meelaha bulshada isugu timaado.

Meelaha sida gaarka ah howlgalkan looga wado ayaa waxaa ka mid ah Koontaroolka Banaadir, KM4, Shaqaalaha, Isgoyska dabka iyo waddada aada dhanka laamiga 21-October oo ciidamo ka tirsan xasilinta ay halkaasi ku sugan yihiin gaadiidkana ku baarayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]