4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 4 , 2017
Madaxweyne Gaas oo la kulmay wasiiro ka tirsan dowladda federaalka

 

Sabti, November, 04, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowladda gobolleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay kulan kula qaatay magaalada Muqdisho qaar kamid ah Wasiirada Dowladda Soomaliya.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiiradaasi ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Kulanka oo ka dhacay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay kawada hadleen Madaxweynaha iyo Wasiirada DFS arrimo la xidhiidha xaaladda Guud ee dalka, wanaajinta xiriirka wada shaqayneed ee Wasaraddaha Puntland iyo kuwa DFS, Isxog waraysi, arrimaha Fadaraaliisamka iyo dhamaystirka Dastuurka DFS, ka xoraynta dalka xooxaha nabad diidka ah iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in kulan kani noqonayo kii ugu horeeyey oo ay Muqdisho ku-yeeshaan Wasiirada Puntland iyo Wasiirada DFS, isla markaana ay kawada hadlaan arrimo muhiim ah oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed iyo qaranka Soomaaliyeedba.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in laga wada tashto ka xoraynta dalka kooxaha nabad diidka ah madaama ay lid ku yihiin horumarka dalka, nabadda, xasiloonida iyo isu socodka dhammaan gobolada Soomaaliya, isla mar’ahaantaana ay taasi u baahan tahay in laga yeesho qorshe dhab ah oo lagu curyaamin karo laguna soo dabar Jari karo cadawga shacabka Soomaaliyeed ee tamarta yar.

Dhinaca kale Cabdiwali Gaaas ayaa ku booriyey Wasiirada Puntland iyo Kuwa DFS ee uu kulanka layeeshay  inay yeeshaan xiriirka wada shaqayneed oo ku salaysan sidii wasaaradda walba oo DFS ahi ula yeelan lahayd Wasaaraddaha dhiggeedaha ee ka jira dhammaan dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Fadaraalka Soomaaliya si loo horumariyo xidhiidhka wada shaqayneed ee Wasaaraddaha dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]