4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 4 , 2017
Maxkamad Sare ee Spain oo dalbatay in la soo xidho hogaamiyihii Catalonia

 

Sabti, November, 04, 2017 (HOL) – Garsoore Spanish ah ayaa soo saaray waaran lagaga codsanayo dalalka Midowga Yurub in ay soo qabtaan hogaamiyihii xilka laga xayuubiyey ee gobolka Catalonia, Carles Puigdemont, iyo afar kale oo xulafadiisa ka mid ah oo jooga dalka Belgium.

Shantooduba waxay ka baaqsadeen in ay tagaan dhegaysiga dacwad kaga socotay maxkamadda sare Khamiistii magaalada Madrid, halkaas oo sagaal xubnood oo wasiiro ka ahaan jiray dawladdii la kala diray ee Catalonia xabsiga loogu diray.

Sagaalkaa wasiir ee hore ee la xidhay midkood ayaa lacag damaanad ah oo dhan 50,000 oo Euro lagu sii daayay, waxaana dhamaantood lagu soo eedeeyey fallaagonimo iyo in ay shacabka dawladda ku kiciyeen iyo sidoo kale in ay lacagta dawladda ugu ololeeyeen madax banaanida Catalonia.

Puigdemont waxa uu sheegay in aanu ku noqon doonin Spain ilaa inta uu helayo damaanad ah in maxkamad cadaalad ah la soo taagayo.

Af-hayeen u hadlay dacwad oogaha guud ee dalka Belgium ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in dalkiisu "darsi doono" codsigaa loo soo gudbiyey.

Baarlamaankii gobolka Catalonia ayaa u codeeyey madaxbanaani gobolkaasi ku noqdo jamhuuriyad madaxbanaan todobaad ka hor, ka dib markii afti sharci darro ah oo ay xukuumadii gobolkaasi abaabushay ay dadku ku codeeyeen 1 Ocktoobar.

Wadan keli ahi weli ma aqoonsan talaabada ay xukuumadii gobolkaasi ku dhaqaaqday, dawladda dhexe ee Spain na si degdeg ah ayay xukun toos ah ugu soo rogtay gobolkaa iyada oo adeegsanaysa awooda uu siiyey dastuurku ee marka ay xaalado degdeg ahi dalka la soo darsaan uu u fasaxay in ay fuliso.

BBC