4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 4 , 2017
Qof rayid ah oo xalay lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose


Sabti, November, 04, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Rag bastoolado ku hubeysnaa qof rayid ah xalay ku dileen degmada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qof la dilay uu ka mid ahaa dhalinyarada degmada, waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Geesey, waxaa la sheegay in Rag ku hubeysan bastoolado ay dileen.

Lama oga sababaha ka dambeeysay dilkan, waxaana dhowr jeer oo hore uga dhacay Afgooye dilal loo geystay dad kala duwan oo ay fuliyeen rag ku hubeysan bastoolado.

Ciidamada Booliska degmada Afgooye ayaa la sheegay inay xalay ka sameeyeen xaafadaha degmada howl galo lagu baadigoobayo dadkii ka dambeeyay dilka, hase ahaatee uma aysan suurta gelin inay soo qabtaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]