4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 4 , 2017
Shirka wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda Soomaaliya oo la filayo in maanta la soo gabagabeeyo


Sabti, November, 04, 2017 (HOL)- Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka maalmihii ugu danbeeyayba u socday madaxda dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa maamul gobolleedyada, iyadoo lagu wado in gabagabada shirka laga soo saaro War-murtiyeed la xiriira qodobada lagu heshiiyay.

Dhinacayada shirka ka qeybgalaya ayaa xalay oo dhan ku laha xarunta madaxtooyada Soomaaliya kulamo gaar gaar ah oo looga arisanayay qodobada lagu leysku hayo.

Qodobada la isku hayay ayaa ka mid ahaa arrimaha siyaasadda ee khilaafka salka u ah, qeybsiga kheyraadka, arrimaha dib u eegista dastuurka, amniga, iyo kuwa kale.

Madaxda dowladda federaalka ayaa dhinaca kale ku dadaalaya in la xaliyo mashkaladaha siyaasadeed ee ka taagan maamul gobolleedyada qaar sida Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa wajahaya culeys siyaasadeed oo uga imanaya xildhibaannada maamul Koonfur Galbeed oo wada mooshin ka dhan ah oo xilka looga qaadayo, halka dhinaca kale madaxda maamulka Galmudug aysan ka heshiin khilaafka u dhaxeeya oo keenay in qaar ka mid ah xildhibaannada maamulka ku dhawaaqaan in ay xilkii ka qaadeen madaxweyne Xaaf.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]