4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 4 , 2017
Ciidamo la wareegay Isgoyska Xamar-Jajab kaddib gaari Qarax looga shakiyay oo goobta lagu arkay

 

Sabti, November, 04, 2017 (HOL)- Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa saakay xiray Isgoyska Xamar Jajab ee Muqdisho kaddib markii lagu arkay gaari Caasi ah oo looga shakiyay in uu sido waxyaabaha Qarxa.

Guud ahaan Isgoyska ayaa waxaa la wareegay ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida, waxaana loo diiday in ay maraan dadka iyo gaadiidka.

Saraakiisha Ammaanka waxaa ay xaqiijiyeen in gaarigaasi laga shakiyay, islamarkaana ay baaris ku sameyn doonaan.

Tan iyo wixii ka danbeeyay Qaraxii 14kii bishii October ee ina dhaaftay ka dhacay Isgoyska Zoobe, waxaa soo baxayay shaki dadka reer Muqdisho ay ka qabaan gadiidka la dhigo jidadka ee looga tago, iyaga oo markiiba arintaa ku wargaliyay hay’addaha Amniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]