4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 4 , 2017
Mareykanka oo ka hadlay duqeyn lagu bartilmaameedsaday Daacish-ta Soomaaliya

 

Sabti, November, 04, 2017 (HOL)- Taliska Mareykanka ee Africa ayaa war ka soo saaray weerar duqeyn ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu qaaday saldhigyo Daacish ku lahaayeen waqooyi bari Soomaaliya, gaar ahaan buuraleyda Buqa ee agagaarka degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Labo weerar oo cirka ayaa lagu beegsaday saldhigyo Daacish ku sugnaayeen oo ku yaala gobolka Bari.

Warka ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay xubno ka tirsan Daacish, isla markaana ay wali qiimeynayaan natiijada ka dhalatay duqeynta.

Duqeyntan ayaa noqoneysa tii u horeysay oo lagu qaaday Kooxda Daacish ee saldhigooda yahay Gobolka Bari ee Puntland.

Kooxda Daacish-ta Soomaaliya ayaa dhaq dhaqaaqyo ka waday deegaanada Puntland, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ay ku qaadeysay weeraro uu ka mid ahaa Is qarxin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]