4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 30, 2017
Siddeed ruux oo ku dhaawacantay Qarax lala eegtay ciidamada Puntland magaalada Boosaaso

 

Khamiis, November, 30, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Bosaaso ee Puntland ayaa sheegaya in ugu yaraan sideed qof ay ku dhaawacmeen miino lagu weeraray gaari ay saarnaayeen ciidamada Puntland oo Marayay bartamaha magaalada.

Dadka dhaawaca ah ayaa la sheegay in ay ku jiraan dad rayid ah oo ku dhacday rasaas ay fureen ciidamadii la weeraray.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxaya maamulka gobolka Bari ama dowlad goboledka Puntland.

Goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxaa gaaray ciidamada Puntland, kuwaas oo ka wada baaritaano isla markaana samaynaya hawlgalo.

Deegaanno ka tirsan Puntland gaar ahaan gobolka Bari waxaa ka dagaalama kooxo daacad u ah Ururka Daacish oo dagaallo ba’an qeybo ka mid ah gobolka kula gallay ciidamada maamul gobolleedka Puntland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]