Khamiis, November, 30, 2017 (HOL) – Jaamacadda SIMAD ayaa soo qabanqaabisay
Kulan Cilmiyeed looga hadlayay xaaladda caafimaadka ee dalka, kaasoo lagu soo
bandhigay cilmi baarisyo la
xiriira arrimaha caafimaadka.
Shirka waxaa kasoo qeybgalay hay’adaha ka shaqeeya caafimaadka, dhakhaatiir,
cilmi baarayaal, bulshada rayidka, wasaaradda caafimaadka, iyo Ardayda Caafimaadka
ka dhigata Jaamacadaha magaalada Muqdisho.
Waxaa la isla gartay muhiimadda ay
leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo dhibaatooyinka caafimaadka ayadoo loo
marayo hanaanka cilmi baarista iyo baahinta xogaha (Research and Publications).
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in laga wada tashado sidii si wadajir
ah looga shaqeyn lahaa
horumarinta iyo hagaajinta adeegyada caafimaadka ee dalka guud ahaan lana
mideeyo awoodaha kala duwan ee hay’adaha ka shaqeeya caafimaadka.
Kulanka waxaa si qota dheer looga dooday arrimmaha soo socda:
1. Adkaysimaha jeermigu u leeyahay daawada (Antibiotic Resistance
Crises)
2. Caadooyinka qaldan ee lagu daweeyo haweenka (Gynecology
Malpractices )
3. Sare u kaca cudurka kaankarada (Cancer Cases)
Shirkaan waxaa si wayn loogu lafa guray baahida loo qabo Arrimaha soo socda:
1. Dhisidda guddi Sare ee caafimaadka (Medical Council)
Waxaa la isla gartay in ay lagama maarmaan ay tahay in la helo gole
ama guddi ka shaqeeya diyaarinta iyo hirgelinta shuruucda lagu maamulayo
caafimaadka dalka. Sidaaas darteed waxa ay ka qeyb galayasha shirkani ku
taliyeen in Wasaaradda Caafimaadka sameyso golahii sare ee caafimaadka ee
dalka.
2. Adeegsiga cilmi-baarista iyo baahinta aqoonta (Research and
Publications)
Shirweynuhu waxa uu isla gartay in ay muhim tahay in la sameeyo
cilmi baaris baahsan oo la xiriirta cudurada ku soo noqnoqda dalka iyo guud
ahaan xaaladda caafimaad ee dalka .
3. Ururinta xogta caafimaadka
Dhammaan isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka waxaa muhim ah in ay
keydiyaan xogta bukaanka ay daweeyaan ayagoo adeegsanaya technology-ada
casiriga ah, si loo helo xog rasmi ah oo la xiriirta cudurada iyo xiliyadda ay
tahay in laga hortago.
4. Tayaynta adeegyada caafimaadka
Waxaa laga maarmaan ah in kor loo qaado tayada dhammaan adeegyada
ay bixiyaan xarumaha caafimaakdka ee dalka.
5. Habraac daweynta cudurada (Medical Guidelines)
Waxaa dhammaan aqoonyahanki ka soo qeyb galay shirka isla garteen
in ay iska kaashadan samanynta habraaca dawenyta, ayadoo ay iska kaashanayaan
wasaarada caafimaadka, guddiga sare ee caafimadka ee dalka iyo jaamacadaha
bixiya culuumta caafimaadka.
6. Samaynta Xarumo lagu daweeyo cudurada halista ah
Waxaa dalka ku yar xarumaha lagu daweeyo cudurada halista ah sida
kaankarada (Cancer), siadaa daraadeed waxaa hoosta laga xariiqay baahida loo
qabo in la sameeyo xarumo caafimaad oo u gaar ah daweynta dadka la nool
cudurada halista ah
7. Kullamo iyo wadatashiyo joogto ah
Dhamaan Aqoonyahankii ka soo qeyb galay shirka waxaa ay
boggaadiyeen Jaamacada SIMAD oo soo abaabushay shir cilmiyeedkii u horeeyay ee
noocisa ee wadanka lagu qabto, waxaana la isla gartay in la joogteeyo shirarka
noocan ah isla markaana lagu baahiyo guud ahaan gobolada dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]