Khamiis, November, 30, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo oo gaaray caasimada dalka Ivory Coast ee Abidjan ayaa
waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Félix
Houphouët-Boigny Madaxweyne ku xigeenka dalkaas Daniel Kablan, Wasiirka
Arrimaha Dibadda Marcel Amon Tanoh iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan
xukuumadda dalkaas.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay uga qayb galayaan magaalada
Abidjan ee dalka Ivory Coast shirka 5aad ee madasha iskaashiga wadamada Midowga
Afrika iyo Midowga Yurub.
Shirwaynaha hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo labo
maalmlood socon doona ayaa waxaa lagaga wada hadli doonaa mustaqbalka xiriirka
labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga ee dhinacyada amniga, socdaalka,
horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqul iinsaanka, dimuqraadiyadda,
dhaqaalaha iyo maalgashiga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gooni gooni ah waxa uu la yeelan doonaa qaar
kamid ah madaxda halkan isugu yimid si loo sii xoojiyo xiriirka iskaashi ee ay
Soomaaliya la wadaagto dalalkaas.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga
Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee
Baarlamaanka, Safiirrada Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo Midowga Afrika iyo
La-taliyeyaal.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]