4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 30, 2017
Mareykanka oo beeniyay in weerarkii Barriire dad rayidka ah lagu dilay

 

Khamiis, November, 30, 2017 (HOL) - Dowlada Maraykanka ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday in dad rayid ah lagu dilay howlgalo laga fuliyay beer ku dhow deegaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose 25kii August ee sanadkan.

Qoraal rasmi ah oo ay soo saareen Milatariga Maraykanka ayaa lagu sheegay in dadka howlgalkaa lagu diley ay ahaayeen “Kuwo hubeysan oo Cadow ah”.

Warbixin  ka soo baxday Taliska Maraykanka gaar ahaan qeybta Africa ayaa  cinwaan loogaga dhigay “Qiimeynta eedeymaha dad Rayid Ah oo la diley 25kii August oo la soo saaray.”

“Kadib qiimeyn iyo baaritaano laga sameeyay howlgalo ay horkacayeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo eedeymaha la xiriiray in dad rayid ah lagu diley,Taliska Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Howlgalada Africa (SOCAF) ayaa waxaa uu ku soo gunaanuday in dadka halkaa lagu diley ay ahaayeen cadow hubeysnaa.”ayaa lagu yiri warbixinta.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in ka hor inta aysan ciidamada gaarka ah ee Maraykanka kana howlgala Afrika si wadajir ah u fulin saaxibadood ay sameeyaan qorshe ballaaran oo loogaga feejignaanayo in dad rayid ah ay howlgaladaa wax ku noqdaan.

Hase ahaatee dadkii lagu diley 25kii August sanadkan deegaanka Bariire xilli aroor hore ayaa baaritaano ay dowlada Soomaaliyeed sameeyeen waxaa lagu sheegay in dadkaas ay ahaayeen dad rayid ah isla markaana ay oggolaatay in dowlada ay ka bixiso magdhow.

Taliyihii ciidamada Xoogga dalka ee xilligaas General Cirfiid ayaa sidoo kale sheegay in dadka lagu diley Barriire ay ahaayeen dad rayid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]