4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 27, 2017
Gabar 12 Sano jir ah oo wacdaro ka dhigtay ciyaarihii Soomaalida ee Atlanta lagu soo gaba-gabeeyay Sawirro


Isniin, November, 27, 2017 (HOL) - Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ayaan Axmed Maxamuud oo ka mid ah kooxda Kubadda Cagta da’doodu ay ka yareyd 12 sano jirka ee Gobolka Tennessee u mataleysay, ciyaarihii qaboobaha Soomaalida ee dhawaan lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Atlanta, ayaa wacdaro ka dhigtay intii ciyaarahu ay socdeen. 

Gabadhaan oo noqotay qofkii loogu hadal haynta badnaa intii ciyaaruhu ay socdeen, ayaa aheyd gabadha kaliya ee ciyaareysay. Waxeyna dhanka weerarka ee Lambarka 9-aad oga dheeleysay kooxda da’da yar ee Kubadda Cagta gobolka Tennessee oo Captain ay u aheyd.  

Sidoo kalana ku dhawaad 10 Goal ayey ka dhalisay saddex kulan oo ay ku ciyaareen gudaha garoonka dadan ee indoor-ka, oo ciyaaraha badankoodu ay ka dhaceen. 

Ciyaartii ugu horesay ee naadiga Kabtanka ay u tahay ciyaaryahanadan ay dheeleen Khamiistii aynu soo dhaafnay ayeey ka dhalisay 4 Gool kooxdii ka soo horjeeday, iyadoo garoonkana ku dhex yeelatay taageerayaal badan oo horay aanan u aqoonin.

 Ciyaartooydii hore ee xulka Qaranka Soomaaliyeed, Tababarayaal iyo waliba Garsoorayaashii ka qeyb galay ciyaarahan oo ay ka mid ahaayeen; Garsoore Maxamed Xasan Qolof iyo Tababare Maxamed Xaaji Giftin oo labadoodu horay ogu soo ciyaaray Soomaaliya, ayaa aad u ammaanay qaab ciyaareedka iyo qibrada ay kubadda cagta u leedahay gabadhan yar. 

Cabdicasiis Mahdi oo ah Macallinka layliya kooxda Gabadhan ay ka tirsan tahay oo ka dhisan magaalada Nashville ee gobolka Tennessee, ayaa Hiiraan Online u sheegay in saddex bilood ka hor uu ogaaday in Ayaan ay ku wanaagsan tahay ciyaaritaanka Kubadda Cagta. 

Tababare Cabdicasiis oo sannadihii 1982 illaa 1988 ka mid ahaa ciyaartooydii Naadigii Muqdisho, kulana guuleystay horyaalka Soomaaliya iyo koobkii General Daa'uud. Sannadihii 1993 illaa 1998 Tababare u ahaa Kooxdii Interglobe Enterprise oo markii danbe loo bixiyay Kooxdii Dekadda.  

Sidoo kalana 1997-dii noqday Macallinka xulka Qaranka Soomaaliya ayaa tilmaamay in muddo dheer uu Tababare u ahaa koox ka dhisay gobolka Tennessee, laakiin saddex bilood ka hor uu bilaabay Naadigaan da’da yare oo ay ka wada tirsan yihiin Ayaan Axmed iyo walaalkeed ka yar oo lagu magacaabo Cabdullaahi Axmed oo 9 sano jir ah iyo waliba labo gabdhood oo kale oo da’doodu uu ku sheegay iney 6 sano ka yar tahay.

 Macallin Cabdicasiis, ayaa tibaaxay in bilihii la soo dhaafay Ayaan aynan mararka qaar ka qeyb galin tababaro ay kooxdu qaadaneysay madaama gabadhan yar aysan baabuur wadi karin, dhibaatana ay ka haysatay dhanka socdaalka.

Laakiin Tababaraha ayaa caddeeyay in uu hadda kaddib qaadi doono mas'uuliyada dhanka socdaalka, uuna ciyaaryahanadan iyo walaalkeed ka soo qaadi doono gurigooda kaddibna uu ku celin doono marka tababarka ay dhammeysataan. 

Ayaan Axmed oo ku dhalatay Xerada Qaxootiga Kakuma ee ku taallo waqooyi galbeed dalka Kenya ayaa Mareykanka timid saddex sano ka hor 2014-kii, waxeyna ka mid tahay qoys ka kooban Hooyo, Aabo, saddex Wiil iyo labo Gabdhood.

Ayaan ayaa HOL u sheegtay in Banooniga ay bannaanka kula ciyaari jirtay carruurta yar yar markii ay Kaakuuma joogtay, ka dib markii ay Mareykanka timid ay arragtay koox Mareykan ah oo Banooni ku ciyaarto garoon ku yaallo halka loo yaqaano Selby Park oo aanan ka fogeyn guriga ay ka dagan yihiin magaalada Nashville, Tennessee. 

Kooxda ka dhisan Shelby Park oo iskugu jiro carruur Caddaan iyo Madoow Mareykan ah ayey Gabadhaan yar sheegtay iney la ciyaartay Banooni, ka dibna tababarihii kooxda uu u ogolaaday iney ka mid noqoto naadigaas oo wali isagana ay ka tirsan tahay. 

Ugu danbeyn Ciyaaryahanad da’da yar, ayaa mudadii koobneyd ee joogtay magaalada Atlanta waxey ku guuleysatay abaalmarino kala duwan oo ay ka mid yihiin Koob iyo Bilad ay ku muteysatay ciyaar wanaagii ay soo bandhigtay xilligii tartanku uu socday.

 Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online

E-mail: [email protected]

Atlanta, Georgia – Mareykanka