4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 26, 2017
Ciyaarihii Qaboobaha Soomaalida Mareykanka oo Atlanta lagu soo Gaba-gabeeyay (Sawirro)


Axad, November, 26, 2017 (HOL) – Magaalada Atlanta ee xarunta gobolka Georgia, ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay ciyaarihii qaboobaha dhalinyaradda Soomaaliyeed oo sannadkaan ay ka qeyb galeen illaa 16 koox oo ka kala yimid gobolada Mareykanka qaarkood, iskuguna jiray dhalinyaro iyo ciyaartooydii caanka aheyd ee Soomaaliyeed.

Xaflad xiritaan ah oo loo sameeyay ciyaartooydaas ayaa waxaa goob joog ka ahaa dhammaan naadiyadii kala matalaayay sideedii gobol ee qeyb galay tartankaan, ciyaartooydii hore ee Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Atlanta.

Madashu intii ay socotay, ayaa waxaa koobab lagu guddoonsiyay laacibiintii ciyaar wanaaga muujiyay xilligii horyaalkaan uu socday iyo waliba naadiyadii guuleystay oo ay ka mid aheyd koox ka timid magaalada Columbus, Ohio oo bisha saddexaad ee sannadka soo socdo loo madlan yahay in lagu qabto tartankaan midka xigo.

Ciyaarahaan oo iskugu jiray Kubada Cagta iyo Kolayga, ayaa kooxihii ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa kuwa da’doodu ay ka yar tahay 12 sano jiro, balse soo bandhigay ciyaaro aad loo jacleystay.

Tababaraha kooxda Jubba ee ka dhisan magaalada Atlanta Cabdiqaadir Xasan Faarax oo lagu naaneyso (Caydiid Jeenyo), ayaa ku sheegay ujeedada loo qabto ciyaarahaan iney tahay wacyi galin iyo isbarasho loo sameynaayo da’yarta Soomaaliyeed ee aanan aqoonin taariikhda ciyaaraha Soomaaliya. Iyo in la isku xiro ciyaartooyda cusub iyo kuwii hore ee Soomaaliyeed.

Dhanka kale Guddoomiyaha Guddiga Ciyaaraha Soomaaliyeed ee Atlanta Dr Cali Cusmaan, ayaa oga mahad celiyay dhammaan ciyaartooydii iyo howl-wadeenadii ka qeyb galay tartankaan, wuxuuna amaanay qaabkii ciyaaruhu ay sannadkaan u dhaceen.

Magaalada Atlanta, ayaa sannad kasto marka la gaaro bisha 11-naad ee November, waxaa lagu qabtaa ciyaaro socdo maalmaha fasaxa munaasabada thanksgiving-ka, kuwaasoo ay ka qeyb galaan kooxo ka kala yimaado gobolada Mareykanka iyo Canada.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online

E-mail: [email protected]

Atlanta, Georgia – Mareykanka