4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 2 , 2017
Qarax gaari lagu xiray oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Khamiis, November, 02, 2017 (HOL) - War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in qarax lagu soo xiray gaari uu ka dhacay inta u dhexeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka digfeer.

11 qofood ayaa la soo sheegay in ay halkaas ku dhaawacmeen. Wax dhimasho lama soo sheegin.

Qaraxa oo intiisa badan laga maqlay goobo ka fog halkii uu qaraxaas dhacay, ayaa waxaa loogu xiray gaar uu lahaa mid kamid ah Shaqaalaha dowlada oo magaciisa lagu soo koobay Ceydiid.

Gaarigan ayaa qarxay xili uu Ceydiid ku jiray goob ganacsi oo aan sidaa uga sii fogeyn goobta uu gaariga ku qarxay