4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 2 , 2017
Jen Mukhtaar oo si KMG ula wareegay xilka taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed


Khamiis, November, 02, 2017 (HOL) – Jen Mukhtaar Xusseen Afrax ayaa maanta si KMG ula wareegay xilka taliyaha ciidamada booliiska, kaddib markii dhawaan xubnaha gollaha wasiirada xilkii ka qaadeen taliyihii ciidamada Jen C/xakiin Daahir Saciid [ Saacid]

Jen. Saacid ayaa ku sheegay Jen. Mukhtaar inuu yahay nin howlkar ah, islamarkaana muddo ka soo shaqeynayay howlaha ciidamada.

Jen, Mukhtaar Xuseen Afrax oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in uu halkeeda ka sii wadayo shaqadii Booliska, waxaana uu faray Hoggaanada kala duwan ee Ciidamada inay shaqadooda sii wataan.

Waxaa lagu wadaa in dhawaan Taliye cusub la soo magacaabo, waxaana xilka Taliyaha Booliska ugu jira loolan Saraakiil ciidan oo horay xilal u soo qabtay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]