4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 2 , 2017
Madaxweyne Siilaanyo oo kulamo la yeeshay Culimadda, madax dhaqameedka iyo guddida doorashooyinka


Khamiis, November 02, 2017 (HOL)- Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kulan la yeeshay culimadda, madax dhaqameedka iyo guddida doorashooyinka Somaliland, kuwaas oo ka wada hadlayey habsami socodka ololaha.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay inuu amar ka soo saaray in hantidda iyo gaadiidka dadweynaha lagu ololayn,isla markaana si anshaxa iyo diintu ogoshahay u ololeeyaan saddexda xisbi ee tartanka ka dhexeeyo.

Kulankan uu la yeeshay Madax-dhaqameedka, Ganacsatada, iyo Culimada Dalka ayaa ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, waxaanu kulankaasi ahaa mid dardaaran iyo baraarujin isugu jira oo uu madaxweynuhu kula dardaarmayey masuuliyiintaasi inay qayb ka noqdaan in dalka ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah oo ay ku kala calaf qaadaan asxaabta qaranka ee ku tartamaya doorashada ay inaga xigto maalmaha koobani, waxaanu madaxweynuhu khudbad ka jeediyey kulankaasi.

“ Ujeedada aan kulankan idiinku yeedhay, waxa uu daaran-yahay, in aan idinku guubaabiyo, in aad nagala shaqaysaan wacyi-gelinta iyo midnimada bulshada. Xilligan Xaasaasiga ah, waxa loo baahan yahay, in aynu iska kaashanno, yareynta xanafta iyo xiisadaha ka dhalan kara xafiiltanka siyaasadda. Waxa Odayaal ahaan, dhammaanteen inala gudboon, in aynu ka hor tagno, in ummadda la dhex-dhigo cunfi, ciil-qab iyo cadaawad siyaasadeed, taasoo u hor-seedi karta qo-qob iyo kala-qaybsanaan, raad xun ku reebta mustaqbalka noloshooda.”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Waxaanu intaas ku daray “ Ummad ahaan, waxa maanta ina saaran xil culus iyo masuuliyad wadareed. Waxa hubaal ah, in aynaan kaga gudbi karin xaaladdan nin toocsi, tafaraaruq iyo talo xumo. Qaran gob ahi, wuxuu kaga gudbaa duruufaha adag, ee la xidhiidha doorashooyinka, dulqaad, degenaansho, danta guud oo laga hor mariyo ta gaar ahaaneed, bisayl, iskaashi, midnimo iyo wada-jir. Duco-qabayaal, waa in aynu, dhinac uga soo wada jeesanno, cid kasta oo abuuraysa xasilooni darro iyo xiisad colaadeed. Waxa waajib ku ah, muwaadiniinta Somaliland iyo Waayeelka hortayda fadhiya, in ay gacan siiyaan ciidammada qaranka ee ku hawlan, adkaynta nabadgelyada iyo sugidda amniga qaranka.”

Mar uu la dardaarmayey saddexda xisbi waxa uu yidhi “Aniga oo munaasibaddan ka faa'iidaysanaya, waxaan leeyahay Xisbiyada Qaranka, dalkani wuxuu ku nabad iyo caano-maalay, hab-dhaqan ku dhisan tudhaale, talo-wadaag, tawfiiq iyo isu-tanaasul. Murti Soomaaliyeed ayaa tidhaahda "Caado La Gooyaa, Cadho Alle Ayey Leedahay". Sidaa darteed, waxa waajib ku ah, Musharixiinta u tartamaysa hanashada hogaanka dalka, in ay dhawraan xurmada iyo xuquuqda ay leeyihiin, dadka ay codka ka doonayaan. Sidoo kale, waxaan ku adkaynayaa, in ay u hogaan-samaan go'aamada Guddida Doorashooyinka, Xeerarka, Shuruucda, iyo Nidaamka Doorashada u dejisan.”

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay culimadda, madax dhaqameedkii iyo ganacsataddii oo sheegay in aanay ogolaan doonin in wax dhibaato ahi ka dhacdo dalka,isla markaana mar walba diyaar u yihiin inay qaybka noqdaan wixii amniga iyo nabadda kala shaqeeyaan xukuumadda.

Dhinaca kale, madaxweynuhu waxa kale oo uu la kulmay guddida doorashooyinka, waxaanu ka dhagaystay qaabka ay ilaa hada u socoto u diyaar garawga doorshooyinka Somaliland oo ay ka hadhsan tahay wax ka yar 12 maalmood.

Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Cabdiqaadir Imaan Warsame oo warbaahinta uga war bixiyay kulanka ay la qaateen madaxweynaha ayaa yidhi " waxaanu madaxweynaha iyo xukuumadiisaba uga mahad naqaynaa mudadii aanu xafiiska joognay tacabkii uu na galiyay iyo gacantii uu nasiiyay, waxa kale oo aanu madaxweynaha uga mahadcelinay sidii uu u qaadatay inuu lacagta doorashada wada bixiyo kadib markii deeq bixiyayaashu nagu yidhaahdeen mahayo lacag aanu idinku caawino, go'aan dhiiran ayuu ahaa, waxaanu halkan uga mahad celinaynaa shacab weynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba sidii ay amarada komishanka u qaadanayeen iyo sidii ay ugu soo jeedeen in qarankan doorashooyinkiisu aanay is taagin, waxa kale oo aanu u mahadcelinaynaa qolada deeq bixiyayaasha oo aad inoo caawiyay, waxa kale oo aanu u mahad celinaynaa saddexda xisbi qaran, waxaanu leenahay saddexda guddomiye waad mahadsan tihiin, waxaynu soo marnay diiwaangelin casri ah oo ALLE inagu guuleeyay, waxa kale oo aynu galnay kaadh qaybintii, maanta waxaanu u ambabaxaynaa 6da gobol ee dalka, sanaaduuqdii doorashaduna maanta ayay meel kasta tagayaan”

Guddomiyaha komishanka ayaa shacabka reer Somaliland ka codsaday inay kalooni buuxda siiyaan xubnaha komishanka.

Bishan November 13-keedda ayaa lagu wadda inay doorashaddu dhacdo,isla markaana waxa wali ka socda magaalooyinka waaweyn ololaha ay xisbiyaddu ku soo bandhigayaan haddii la doorto waxay qaban doonaan, taas oo dadweynaha ka codsanayaan inay u codeeyaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.